Dib u dhac ku yimid kulan ay yeelan lahaayeen Mucaaradka iyo duubabka Dhaqanka Soomaaliyeed

Waxaa dib u dhac ku yimid kulan muhiim ah oo caawa ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo duubabka dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa caasimadda.
Kulankan oo si weyn loo hadal hayay ayaa la filayay inuu noqdo mid xasaasi ah, maadaama uu daba socday kulamo isdaba-joog ah oo u dhexeeyay dhinacyada siyaasadda iyo hoggaanka dhaqanka. Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin sababta keentay dib u dhaca, haddana warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in arrimo farsamo ay sabab u noqdeen baaqashada kulankaasi.
Duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa habeenkii xalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo la wadaagay cabashooyin iyo aragtiyo ay ka soo gudbiyeen siyaasiyiinta mucaaradka. Wararka ayaa sheegaya in qodobada ugu muhiimsan ee laga wada hadlay ay la xiriireen xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.
Kulanka dhex maray duubabka dhaqanka iyo madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay mid xasaasi ah, iyadoo dhinacyadu ay isla soo qaadeen cabashooyin la xiriira hannaanka doorashooyinka, hufnaanta nidaamka siyaasadeed iyo doorka ay ku leeyihiin dhinacyada kala duwan ee bulshada.
Wararka ayaa intaas ku daraya in duubabka dhaqanka la filayo inay mar kale la kulmaan mucaaradka, marka uu kulanka dib u dhaca ku yimid qabsoomo, si ay ugu gudbiyaan jawaabta iyo aragtida madaxweynaha ee ku aaddan tabashooyinka la xiriira doorashooyinka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in kulanka dib loo dhigay laga yaabo inuu qabsoomo berri ama habeen dambe, inkasta oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin jadwalka cusub. Waxaa sidoo kale la filayaa in kulankaasi uu noqdo mid go’aan-qaadasho leh, maadaama uu saameyn ku yeelan karo jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marka la eego arrimaha doorashooyinka soo socda.
Dib u dhaca ku yimid kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare u kacayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo kulamada ay yeelanayaan mucaaradka, kuwaas oo doonaya inay isku dubaridaan mowqif mideysan oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.









