LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Duulimaadyo Muqdisho ku wajahnaa oo baaqday kadib Markii garoonka Aadan Cadde…

Duulimaadyo dhowr ah oo maanta ku wajahnaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa baaqday ama dib uga leexday garoonka, kaddib roobab culus iyo xaalado cimilo oo adag oo saameeyay hawlaha duulimaadyada.

Diyaaradda Turkish Airlines oo ku wajahneyd Muqdisho ayaa la sheegay in aysan ka degin garoonka Aadan Cadde, iyadoo ugu dambeyn u weecatay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Sidoo kale, wararka la helayo ayaa sheegaya in qaar ka mid ah duulimaadyadii kale ee maanta ku soo wajahnaa Muqdisho la hakiyay ama dib loo dhigay, iyadoo xaaladda cimilada ay adkeynaysay howlgallada diyaaradaha.

Dhanka kale, Ethiopian Airlines ayaa la sheegay inay si nabad ah uga degtay garoonka Muqdisho.

Roobabka xooggan ayaa sababay in biyo fariistaan qaar ka mid ah dhabaha diyaaradaha, arrintaas oo abuurtay walaac ku saabsan xaaladda dhabaha diyaaradaha iyo sida garoonku ula tacaalayo roobabka culus.

Xaaladdan ayaa sidoo kale dhalisay su’aalo ku saabsan dayactirka iyo maamulka kaabayaasha garoonka, gaar ahaan awoodda nidaamka biyo-mareennada iyo diyaar-garowga garoonka xilliyada roobabka xooggan.

Baaqashada iyo leexashada qaar ka mid ah duulimaadyada ayaa muujinaysa sida xaaladaha cimilada iyo xaaladda dhabaha diyaaradaha ay u saameyn karaan isku socodka hawada ee Muqdisho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *