LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamo cusub oo Baydhabo lagu diyaarinayo, Gen. Khaalid oo kormeeray


Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, ayaa maanta magaalada Baydhabo kormeer ugu tagay ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo halkaasi ku qaadanaya tababar ciidan.

Taliyaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay xerada ay ciidamada ku qaadanayaan tababarka, halkaas oo uu warbixinno kaga dhageystay macallimiinta iyo saraakiisha mas’uulka ka ah tababarka ciidamada.

Sareeye Guuto Sahal ayaa saraakiisha wax ka weydiiyay heerka uu marayo tababarku, noocyada tababarrada ay ciidamada qaateen iyo farsamooyinka milatari ee lagu barayo muddada ay ku jiraan xerada.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu sheegay inuu ku doonayo tayeynta iyo sare u qaadista heerka tababarka ciidamada, si ay u yeeshaan awood ay si buuxda uga qeyb qaataan sugidda amniga dalka.

Taliska Ciidanka XDS ayaa muddooyinkii dambe xoogga saarayay tababarka iyo tayeynta ciidamada, iyadoo hadafka la sheegay uu yahay in ciidamadu ay awood dheeraad ah u yeeshaan qaadista mas’uuliyadda amniga Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *