Duruufihii Al-Shabaab oo sii xumaaday, dagaalyahan kale oo ka baxsaday kooxda

Aadan Cabdullaahi Cabdi Nuur, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, ayaa isku soo dhiibay Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad, Qaybta 1-aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo saldhiggoodu yahay degmada Raage Ceele ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka, Aadan ayaa hore uga tirsanaa maleeshiyaad ku sugnaa deegaanka Gayfo, hase yeeshee wuxuu go’aansaday inuu ka baxo kooxda kadib markii uu u adkeysan waayay cadaadiska ka dhashay howlgalada joogtada ah ee cirka iyo dhulka, iyo sidoo kale duruufaha nololeed ee adag ee soo wajahay xubnaha kooxda.
Howlgalada ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ka wadaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta ayaa la sheegay inay sii kordhinayaan tirada xubnaha ka goosanaya kooxda, kuwaas oo dooranaya inay isu soo dhiibaan ciidamada dowladda.
Saraakiisha ciidamada ayaa mar kale ugu baaqay xubnaha wali ku sugan kooxda inay ka faa’iideystaan fursadda isu soo dhiibista, iyagoo sheegay in cadaadiska militari ee lagu hayo Khawaarijta uu sii xoogeysanayo.










