Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay Soomaalida ku xayiran Masar kuna fashilantay..

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ayaa shaacisay in ay ku guul-darraysatay dadaallo ay ku doonaysay in lagu fasaxo muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Qaahira, kuwaas oo muddo saacado ah ku sugnaa halkaasi kadib markii loo diiday inay gudaha u galaan dalka Masar.
Qoraal ay safaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in tirada dadka Soomaaliyeed ee ku xanniban garoonka ay kor u dhaaftay 20 qof, halka qaar kale oo markii dambe gaaray garoonka dib loogu celiyay magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka soo duuleen.
Safaaradda ayaa xustay in dhammaan dadkaasi ay wateen dal-ku-gal sax ah oo sharciyeysan, balse ay jirto cilad ama xannibaad cusub oo aysan weli si rasmi ah u caddayn dowladda Masar, taasoo sababtay in dadka loo diido inay ka gudbaan garoonka.
Sidoo kale, safaaraddu waxay sheegtay in dowladda Masar si lama filaan ah u joojisay waddadii ama nidaamkii ay hore Soomaalidu ugu geli jireen dalka, isla markaana ay uga bixi jireen, arrintaas oo si weyn u saameysay socdaalladii iyo isu socodkii dadka Soomaaliyeed ee u safri jiray Qaahira.
Wararka laga helayo dadka ku sugan garoonka ayaa tilmaamaya in xaalad jahwareer iyo walaac ah ay ka jirto halkaasi, iyadoo dadka qaarkood ay sheegeen in aysan helin xog rasmi ah oo ku saabsan sababta loo hakiyay gelitaankooda inkastoo ay haystaan dukumiintiyo sax ah.
Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira ayaa sheegtay inay weli wado wada-hadallo iyo dadaallo diblomaasiyadeed oo ay kula jirto hay’adaha dowladda Masar si xal loogu helo xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran garoonka.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli boqolaal Soomaali ah ay Masar u aadaan arrimo caafimaad, waxbarasho, ganacsi iyo socdaallo kale, iyadoo Qaahira ay kamid tahay meelaha ugu badan ee Soomaalidu u safarto gudaha gobolka.









