Al-Shabaab oo weerarro culus ku qaaday xeryaha ciidanka Kenya & Ciidanka Kenya oo…

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab kadib markii dagaalyahanno ka tirsan kooxda ay weerarro hubeysan ku qaadeen xeryo ciidan oo ku yaalla gobollada Mandera iyo Lamu.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab lagu arkay deegaanka Chabicha Hills ee Mandera, halkaas oo ay u dhaqaaqeen dhanka xero ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka.
Kooxda ayaa weerarka ku billowday madaafiicda RPG-ga iyo rasaas ka timid qoryaha AK-47, iyadoo weerarka laga soo qaaday masaafo ku dhow 230 mitir.
Ciidamada Kenya ayaa si degdeg ah uga jawaabay weerarka, waxaana lagu qasbay dagaalyahannadii Al-Shabaab inay dib uga gurtaan goobta.
Ilaa hadda wax khasaaro ah oo ciidamada Kenya ah laga soo sheegay ma jiraan.
Dhanka kale, weerar la mid ah ayaa 10-kii Sebtembar lagu qaaday xero ay leeyihiin ciidamada GSU ee deegaanka Milimani, Lamu East, halkaas oo Al-Shabaab ay ku rideen RPG iyo dhowr xabadood oo qoryaha fudud ah.
Ciidamada Kenya ayaa hadda bilaabay howlgallo dheeraad ah iyo baaritaanno lagu raadinayo dhaqdhaqaaqa iyo halka ay ku sugan yihiin kooxaha Al-Shabaab ee ka howlgala xadka Kenya iyo Soomaaliya.
Weerarradan ayaa kusoo aadaya xilli walaac laga muujinayo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee sii kordhaya ee deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.









