LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda oo ciidamo geysay xaafadaha mucaaradka ka deganyihiin Muqdisho

Warar laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay fiidkii ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) lagu arkay qaybo ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka guryaha qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo, dhaqdhaqaaqyada ciidamada ayaa si gaar ah u saameeyay agagaarka guryaha ay degan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee caanka ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in la adkeeyay amniga waddooyinka, isla markaana si weyn loo xaddiday isu socodka shacabka, taasoo keentay in nolosha caadiga ah ee deegaanka ay hakad gasho.

Illaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya ama hay’adaha ammaanka midkoodna kama soo bixin wax war rasmi ah oo faahfaahinaya sababta ka dambeysa dhaq-dhaqaaqan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in habeenkii uu noqday mid adag isu socodka, iyadoo waddooyin muhiim ah si ku-meel-gaar ah loo xiray.

Dowladda federaalka oo waqtigeedu dhammaaday ayaa muddooyinkaan dambe cadaadis iyo caburin ku heysay xubnaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda muddo kordhinta ay iyada sameysatay iyadoo dhowr jeer xubnaha mucaaradka ah sida Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Kheyre ku weerartay guryahooda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *