Dagaal Ka Qarxay Duleedka Marka, Dad Badan Oo Waxyeello Soo Gaartay

Wararka laga helayo deegaanka Gershiine oo ku yaalla duleedka Buufow Bacaad ee Degmada Marka ayaa sheegaya in muran la xiriira dhul beereed uu isu beddelay iska hor imaad hubeysan, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad ka tirsan dhinacyadii ku lugta lahaa.
Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, dagaallada ayaa dhacay saacadihii la soo dhaafay, iyadoo wararka hordhaca ah ay tilmaamayaan in ay jiraan khasaare naf iyo maalba leh. Tirada saxda ah ee dhimashada iyo dhaawaca ayaan weli si rasmi ah loo xaqiijin, maadaama xogta laga helayo goobta ay wali kooban tahay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in xiisaddu ay weli taagan tahay, iyadoo dhinacyada iska hor imanaya ay isku horfadhiyaan meelo ka tirsan deegaanka, taas oo sare u qaadday cabsi laga qabo in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan halkaasi haddii aan si degdeg ah loo bilaabin dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo labada dhinac.
Khilaafka ayaa la rumeysan yahay inuu salka ku hayo muran ku saabsan lahaanshaha iyo isticmaalka dhul beereed, arrin marar badan sababtay isku dhacyo ka dhaca deegaannada miyiga ah.
Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo maamulka deegaanka ayaa loogu baaqayaa inay qaadaan tallaabooyin lagu dejinayo xaaladda, si looga hortago in xiisaddu sii kororto loona helo xal nabadeed oo waara. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ay mas’uuliyiintu ka soo saareen dhacdadan.









