Dowladda Federaalka oo lagu eedeeyay inay darajooyinka ciidanka ku bixiso qaab qabiil

Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla ayaa si adag uga hadashay xaaladda ciidamada Soomaaliya, iyadoo sheegtay in askar iyo saraakiil muddo dheer u adeegayay dalka aan la siin dalacsiintii ay xaqa u lahaayeen.
Sareedo ayaa ku eedeysay in nidaamka darajooyinka ciidamada uu saameyn ku yeeshay qabyaalad, iyadoo tiri:
“Darajooyin lama bixiyee, qabiil ayaa wax lagu bixiyaa. Ciidamo 20 sano difaac ku jiray ayaa jira oo aan wax dalacsiin ah helin.”
Waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada dhexdiisa ay ka jiraan xaalado ay ku tilmaantay “ihaano iyo musiibo”, iyadoo ku baaqday in dib loo soo celiyo Sharciga Difaaca Qaranka.
Xildhibaanku waxay tilmaantay in askarta iyo saraakiisha mudada dheer dalka u adeegayay loo baahan yahay in la siiyo xuquuqdooda, dalacsiintooda iyo daryeelka ay mudan yihiin.
Sareedo ayaa sidoo kale ku baaqday in la kordhiyo xuquuqda iyo taageerada ciidamada, iyadoo xaaladda ay hadda ku sugan yihiin ku tilmaantay mid laga naxo.
Hadalka xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xilli dood xooggan ay ka taagan tahay dib-u-habeynta ciidamada, nidaamka darajooyinka iyo sidii loo dhisi lahaa ciidan qaran oo leh nidaam iyo xuquuq shaqaale oo cad.









