Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Xasan Sheekh oo ku wajahan Turkiga, maxaa looga hadlayaa shirweynaha COP31?

    10 November 2026

    Jarmalka oo go’aan culus ka gaaray haweeney Soomaaliyeed oo baraha bulshada caan ka ah

    10 November 2026

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    9 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Dowladda Federaalka oo digniin culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Shabeellaha Hoose
    LATEST NEWS

    Dowladda Federaalka oo digniin culus ka soo saartay xiisadda ka taagan Shabeellaha Hoose

    Banaadir24By Banaadir2418 July 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa xaaladaha la xiriira falalka hurinta colaadaha, kicinta bulshada iyo abaabulka ficillo qalqalgelinaya amniga iyo wadajirka bulshada ee ka socda deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Wasaaraddu waxay si cad u muujinaysaa walaaceeda ku aaddan dhaq-dhaqaaqyada lagu hurinayo xiisado u dhexeeya bulshada deegaanka oo muddo dheer wada deggeneyd, wadaagana xiriir bulsho, dhaqan iyo dano guud. Falal kasta oo horseedi kara kala fogaansho, nacayb, ama isku dhac bulshada dhexdeeda waxay halis ku yihiin nabadda, wadajirka bulshada iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta dalka.

    Wasaaraddu waxay si adag uga digaysaa shakhsiyaadka, kooxaha iyo cid kasta oo ku lug leh faafinta hadallada naceybka, wararka marin habaabinta ah, abaabulka colaadaha ama fal kasta oo sii hurin kara xaaladda.

    Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ka digaysaa in kooxaha argagixisada iyo qaswadeyaasha ay isku dayaan inay ka faa’iideystaan xaalad kasta oo nugul si ay u fuliyaan ajandayaal wax u dhimaya nafta, hantida, amniga qaranka, xasilloonida bulshada iyo dowladnimada.

    Iyadoo la ilaalinayo Dastuurka iyo shuruucda dalka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxay faraysaa hay’adaha amniga iyo kuwa fulinta sharciga inay xoojiyaan tallaabooyinka kahortagga ah, si dhowna ula socdaan xaaladda, isla markaana si waafaqsan sharciga tillaabo uga qaadaan cid kasta oo ku lug yeelata hurinta colaadaha, kicinta shacabka ama fal kasta oo khalkhal gelinaya amniga, wadajirka bulshada iyo kala dambeynta.

    Ugu dambeyntii, Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa maamulka heerarka kala duwan, odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, bulshada rayidka ah iyo guud ahaan waxgaradka Soomaaliyeed inay hormuud ka noqdaan dejinta xiisadda, xoojinta wada hadalka iyo is-afgaradka bulshada.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleMaamulka Laftagareen oo war kasoo difaacyada Ciidamada DFS ay ka sameysteen xaafadaha shacabka
    Next Article Qiimaha Baasaboorka Soomaaliya oo Cirka Isku Shareeray Puntland
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Xasan Sheekh oo ku wajahan Turkiga, maxaa looga hadlayaa shirweynaha COP31?

    10 November 2026

    Jarmalka oo go’aan culus ka gaaray haweeney Soomaaliyeed oo baraha bulshada caan ka ah

    10 November 2026

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    9 November 2026

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Xasan Sheekh oo ku wajahan Turkiga, maxaa looga hadlayaa shirweynaha COP31?

    By Banaadir2410 November 20260

    Muqdisho (Banaadir24) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi ballaaran oo uu…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Jarmalka oo go’aan culus ka gaaray haweeney Soomaaliyeed oo baraha bulshada caan ka ah

    10 November 2026

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    9 November 2026

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Xasan Sheekh oo ku wajahan Turkiga, maxaa looga hadlayaa shirweynaha COP31?
    • Jarmalka oo go’aan culus ka gaaray haweeney Soomaaliyeed oo baraha bulshada caan ka ah
    • Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad
    • Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab
    • Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d