Qiimaha Baasaboorka Soomaaliya oo Cirka Isku Shareeray Puntland

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qiimaha baasaboorka Soomaaliya ee laga bixiyo deegaannada Puntland lagu kordhiyay $300, halka uu hore uga ahaa $150, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.
Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in isbeddelkan lagu soo rogay amarro la sheegay inay ka yimaadeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, taasoo dhalisay hadal-heyn xooggan oo ka dhex aloosan shacabka iyo qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adda ee Garoowe.
Ilaa hadda, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ma aysan soo saarin war rasmi ah oo xaqiijinaya ama sharxaya sababta qiimaha baasaboorka loo labanlaabay. Sidaas darteed, sheegashada kordhinta qiimaha waxay weli u baahan tahay xaqiijin rasmi ah.
Haddii xogtan la xaqiijiyo, isbeddelkan wuxuu noqonayaa mid si weyn u saameyn kara muwaadiniinta doonaya inay qaataan baasaboorka Soomaaliya ee Puntland, iyadoo bulshada ay durba isweydiinayaan sababta kororka degdegga ah iyo in isbeddelkan uu ku ekaan doono Puntland ama uu ku fidi doono dalka intiisa kale.









