Maamulka Laftagareen oo war kasoo difaacyada Ciidamada DFS ay ka sameysteen xaafadaha shacabka

Afhayeenka maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa ugu baaqay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan xaafadaha magaalada Baydhabo inay ka baxaan goobaha shacabka, isagoo ka digay in xaafadaha laga dhigo furimo dagaal.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in ciidamada dhufeysyada ka qotay gudaha xaafadaha ay ka baxaan goobaha rayidka, halka shacabka uu ugu baaqay inay iska saaraan guryahooda cid kasta oo u adeegsanaysa goob dagaal.
Hadalka Xasan Cabdi Maxamed ayaa daba socda warar sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay dib uga gurteen qaar ka mid ah difaacyadoodii hore, isla markaana ay dhufeysyo cusub ka sameysteen gudaha xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo. Wararkaasi waxay muujinayaan isbeddel ku yimid goobaha ay ciidamada ku sugan yihiin, inkastoo mas’uuliyiinta dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed aysan weli si rasmi ah uga hadlin sababta dib-u-habeyntaasi.
Baydhabo ayaa maalmihii u dambeeyay wajahaysay xiisado amni iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo isa soo tarayay, iyadoo shacabka magaalada ay ka muujinayaan walaac ku saabsan in dagaallo ka dhacaya gudaha xaafadaha ay halis geliyaan nolosha dadka rayidka ah.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed ama Dowladda Federaalka Soomaaliya oo jawaab u ah baaqa uu jeediyay afhayeenka maamulkii hore ee Koonfur Galbeed.









