Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Deni oo runta u sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh & Aadan Madoobe
    LATEST NEWS

    Deni oo runta u sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh & Aadan Madoobe

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor22 February 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan uu magaalada Muqdisho kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha, waxgaradka iyo haweenka Beesha Hawiye kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha dastuurka, amniga iyo khilaafka doorashooyinka.

    Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah u dhaliilay hanaanka wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee ay waddo dowladda federaalka, isagoo sheegay in isbeddelladaasi aysan ahayn kuwo loo maray wadatashi qaran oo dhammaystiran. Wuxuu xusay in aan la aqbali karin dastuur wax ka beddel lagu sameeyo iyadoo aan la helin heshiis ay ku mideysan yihiin dowlad-goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka.

    “Dastuurkan la beddelay waxaa ku dhaqmi doona oo keliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Aadan Madoobe,” ayuu yiri Madaxweyne Deni, isaga oo muujiyay sida uu uga soo horjeedo habraaca hadda socda.

    Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan doorashooyin looga qabto dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

    Wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in maamulladan ay galaan doorashooyin waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii lagu dhisay nidaamka federaalka, si loo xaqiijiyo sharciyad buuxda iyo kalsooni siyaasadeed oo ay helaan shacabka ku nool deegaannadaasi.

    Madaxweyne Deni ayaa carrabka ku adkeeyay in dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashooyinka dowlad-goboleedyada uu sii kordhin karo khilaafaadka siyaasadeed, isla markaana wiiqi karo kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowliga ah.

    Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xilligan ay muhiim tahay in mudnaanta la siiyo midnimada, wada-tashiga iyo ilaalinta nidaamka federaalka. Wuxuu ku baaqay in hoggaanka dowladda federaalka ay dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka si loo helo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.

    Kulankan uu Muqdisho kula yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada Beesha Hawiye ayaa imaanaya xilli uu cirka isku shareeray muranka ku saabsan wax ka beddelka dastuurka iyo jihada doorashooyinka dalka.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleSomalia oo lagu dhaleeceeyay Xiiriirka Türkiga & DFS oo Ballan qaaday inay…
    Next Article Maxaa ka cusub wada-hadallada DFS iyo Golaha Mustaqbalka?
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    By Banaadir2415 October 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si xooggan…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay
    • Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka
    • Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay
    • Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka
    • Dagaal culus oo ka socda Buurhakaba, Ciidanka Laftagareen oo weerar culus ku…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d