DEG DEG: Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday in la jebiyey ciidamadii Laftagareen

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in lasoo afjaray weerar ay ciidamo uu ku tilmaamay “khawaarij” kusoo qaadeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Qoraal kasoo baxay maamulka ayaa lagu sheegay in guud ahaan la soo afjaray kooxihii weerarka soo qaaday, iyadoo maamulka uu sheegay in dhawaan shacabka loo soo bandhigi doono meydadka ciidamada lagu dilay dagaalka.
Koonfur Galbeed ayaa dadka magaalada Baydhabo ugu baaqday inay isdejiyaan, isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga ee howlgallada ka wada gudaha magaalada, kuwaas oo lagu sheegay inay sifeynayaan haraadiga ciidamadii weerarka soo qaaday.
Inkasta oo maamulka uu isticmaalay magaca “khawaarij”, haddana hadalka maamulka Koonfur Galbeed wuxuu si toos ah ugu wajahan yahay ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka sameynayay duleedka iyo gudaha Baydhabo.
Xaaladda Baydhabo ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahayd mid aad u kacsan, iyadoo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo Laftagareen uu isu beddelay iska horimaad hubeysan.
Weli si madax-bannaan looma xaqiijin tirada ciidamada lagu dilay dagaalka iyo xaaladda dhabta ah ee goobaha lagu sheegay inay ka dhaceen iska horimaadyadu.









