LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dagaal Culus oo Ka Qarxay Shabeellaha Dhexe, Al-Shabaab oo Weerar Ku Qaadday Ciidanka Xoogga

Dagaal culus ayaa xalay ka qarxay deegaanka Shiikhoow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in weerarka uu xigay dagaal xooggan oo socday saacado, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Dhawaqa rasaasta iyo hubka culus ayaa laga maqlayay deegaanno ku dhow halka uu dagaalku ka dhacay.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac, balse weli si rasmi ah looma xaqiijin tirada khasaaraha iyo dhinacyada uu kala gaaray.

Xaaladda deegaanka Shiikhoow ayaa weli kacsan, waxaana aan si madax-bannaan loo xaqiijin cidda hadda gacanta ku haysa goobtii la weeraray.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidamada dowladda ay muddooyinkii dambe hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen qaybo ka mid ah Shabeellaha Dhexe, halka kooxda Al-Shabaab ay dhankeeda sii waddo weerarrada ay ku beegsanayso fariisimaha iyo baraha ciidamada dowladda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *