Puntland oo war kasoo saartay dagaalka ka socda Gaalkacyo

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa maanta hawlgal amni ka fuliyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyagoo beegsaday goobo lagu sheegay inay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubeysan oo lagu eedeeyay inay khatar ku ahaayeen amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka Puntland, hawlgalkan ayaa qeyb ka ah qorsheyaal lagu xoojinayo sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan ee lagu tilmaamay inay carqaladeynayaan nabadda iyo kala dambeynta. Waxaa sidoo kale la sheegay in hawlgalku weli socdo, isla markaana loo fulinayo si waafaqsan sharciga iyo habraacyada ciidamada ammaanka.
Puntland waxay sheegtay in tallaabooyin adag oo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falal ka dhan ah amniga, iyadoo xustay in aysan jiri doonin wax dulqaad ah oo loo muujinayo kooxo ama shaqsiyaad halis gelinaya xasilloonida deegaannada Puntland.
Mas’uuliyiinta ayaa intaa ku daray in faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan natiijada hawlgalka la soo bandhigi doono marka uu si rasmi ah u soo gabagaboobo.









