LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dagaal Ciidamada Puntland iyo Daacish dhex-maray iyo khasaaro ka dhashay

Warar faahfaahsan ayaa kasoo baxaya dagaallo habeenimadii xalay ka dhacay togga Ina Cidoole ee buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada Daraawiishta Puntland iyo maleeshiyaad ka tirsan ururka Daacish.

Taliska Ururka 11-aad (Kaah) ee ciidamada Daraawiishta ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan afar askari ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi, kaas oo lagu tilmaamay mid culus oo dhacay xilli habeen ah. Saraakiisha ayaa sheegay in iska horimaadku uu yimid kadib markii ay ciidamadu dhaq-dhaqaaqyo ka dareemeen deegaanka, taasoo keentay in dagaal toos ah uu dhex maro labada dhinac.

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dagaallo goos-goos ah ay weli ka socdaan aaggaas, iyagoo xusay in ay jab xooggan gaarsiiyeen dagaalyahannada Daacish, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha soo gaaray dhinaca kale.

Dhanka kale, war ay ciidamadu ku baahiyeen barahooda bulshada gaar ahaan Facebook ayay ku muujiyeen cabashooyin la xiriira baahiyaha dhanka dagaalka, sida miino baaris la’aan iyo adeeg caafimaad oo aan ku filnayn. Si kastaba, qaybta cabashada ee qoraalkaas ayaa markii dambe laga saaray barta ay ku daabaceen.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu dhawaan ciidamada uga digay in cabashooyinkooda ay ku faafiyaan baraha bulshada, isaga oo ku amray in ay si toos ah ugu gudbiyaan hay’adaha ay khusayso.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *