LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Daawo Sawirrada Meydadka Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidanka Danab

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyay duleedka deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa lagu burburiyay koox ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay ku howlanaayeen diyaarinta iyo dhigidda miinooyin iyo walxaha qarxa oo lagu bartilmaameedsanayo waddooyinka ay isticmaalaan gaadiidka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka wadaan deegaannada ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo ujeeddadu tahay in la wiiqo awoodda kooxda iyo khatarta ay ku hayso shacabka.

Ciidanka Danab ayaa sidoo kale sii wada howlgallada lagu xaqiijinayo amniga waddooyinka iyo isu-socodka bulshada, gaar ahaan goobaha ay kooxdu isku daydo inay ku aasdo miinooyin iyo walxaha qarxa.

Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida deegaannada dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *