LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada Puntland oo xero kale kala wareegay Ciidamada dowladda Federaalka

 Ciidamada Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay maanta la wareegeen xerada Barda-dheere ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, Gobolka Mudug, kaddib markii ciidamadii halkaasi ku sugnaa ee taabacsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka guureen xerada.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadii Federaalka ee Barda-dheere ay hore ugu dhaqaaqeen dhanka Galmudug, halkaas oo ay ku biireen ama ay la midoobeen ciidamo Danab ah oo ku sugnaa koonfurta Gaalkacyo.

La wareegista Barda-dheere ayaa ku soo beegmaysa xilli Puntland ay kordhisay tallaabooyinka ay kula wareegayso xarumaha iyo saldhigyada ay ku sugnaayeen ciidamo ku dhawaaqay inay ka amar qaataan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqan ayaa qeyb ka ah xiisad amni iyo siyaasadeed oo maalmahan ka taagan Puntland, kaddib markii maamulka Puntland uu ciidamada Federaalka ee ku sugan deegaannadiisa u qabtay muddo 48 saacadood ah inay isu soo dhiibaan maamulka ama ay ka baxaan goobaha ay ku sugan yihiin.

Xogihii hore ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii Federaalka ee Barda-dheere ay ka guureen xerada xilli habeen ah, taas oo ka dhigan in tallaabada maanta ay u muuqato mid lagu xaqiijinayo gacan-ku-haynta Puntland ee xerada, kadib bixitaankii ciidamadii Federaalka.

Xiisadda Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa weli ah mid si dhow isha loogu hayo, iyadoo dhaqdhaqaaqa ciidamada uu si weyn uga socdo Mudug iyo gobollada kale ee Puntland.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *