Ciidamada Laftagareen oo wata gaadiid dagaal oo gaaray duleedka Baydhabo

Gaadiid dagaal oo aad u hubeysan, kuwaas oo la sheegay inay taabacsan yihiin madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen”, ayaa xalay gaaray duleedka magaalada Baydhabo, xilli magaalada ay ka jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo sii xoogeysanaysa.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in gaadiidkan ay qayb ka yihiin kolonyo ciidan oo ka soo gudubtay deegaanka Yurkud, kuna sii jeeday magaalada Baydhabo. Sida xogta laga helayo dadka deegaanka ay tilmaamayso, kolonyada ayaa ka koobnayd in ka badan 25 gaari oo hubeysan.
Dhaqdhaqaaqa ciidamada ayaa cabsi cusub ka abuuray Baydhabo, iyadoo ciidamada dowladda federaalka ee loo xilsaaray ilaalinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ay xoojiyeen fariisimahooda iyo difaacyadooda gudaha magaalada.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada federaalka horraantii maanta lagu arkay xaafado ka tirsan Baydhabo, iyagoo qoday godad difaac ah isla markaana sameysanayay fariisimo ciidan, taasoo muujinaysa in laga cabsi qabo iska horimaad dhex mara ciidamada dhinacyada iska soo horjeeda.
Xiisadda ka taagan Baydhabo ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Inkastoo aan weli la xaqiijin in iska horimaad uu dhacay ama dagaal uu si rasmi ah u billowday, haddana imaatinka kolonyada hubeysan iyo xoojinta difaacyada ciidamada dowladda ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in xaaladdu isu beddesho iska horimaad culus.
Banaadir24 waxay si dhow ula socotaa xaaladda Baydhabo, waxaana lasoo gudbin doonaa wixii warar ah ee cusub ee kasoo kordha.









