LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Al-Shabaab oo Weerarro Culus Ku Qaadday Fariisimaha Ciidamada Uganda

Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerarro isku dubbaridan ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Uganda ee howlgalka AUSSOM ka joogaan degmada Janaale iyo deegaannada Golweyn iyo Number 60 ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo ilo dhanka amniga ah.

Goobaha la weeraray ayaa laga maqlayay rasaas culus iyo qaraxyo socday saacado badan, iyadoo dagaalladu ay billowdeen xalay fiidkii dambe kuna sii fiday waaberigii maanta. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada iyo dagaalyahannada Al-Shabaab ay isku adeegsadeen hub culus, hase yeeshee weli lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay iska horimaadyada.

Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya, ciidamada Uganda iyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM midkoodna kama uusan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan weerarrada ama khasaaraha ka dhashay.

Janaale ayaa muddo dheer ahayd goob istaraatiiji ah oo ay ka dhacaan dagaallo u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya ciidamada Midowga Afrika. Sidoo kale, Golweyn iyo Number 60 ayaa muhiim u ah isku socodka ciidamada iyo gaadiidka u kala goosha Muqdisho, Bay iyo Bakool, waana deegaanno marar badan ay Al-Shabaab ka fulisay weerarro, qaraxyo iyo weerarro gaadmo ah.

Weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Al-Shabaab kordhisay cadaadiska militari ee ay ku hayso fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM ee koonfurta Soomaaliya, iyadoo xaaladda amni ee gobolka Shabeellaha Hoose ay weli tahay mid aad u kacsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *