LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Shil dad badan Ay Ku dhinteen oo ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyooday shil gaari oo aad u xun oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kadib markii gaari nooca Isuzu ah oo la sheegay inuu xawaare sare ku socday uu ku dhacay mooto saddex lugoodley ah (foorsida) oo siday rakaab.

Shilka ayaa ka dhacay deegaanka Guuyow, oo u dhow tuulada Gilla, kuna teedsan waddada isku xirta degmooyinka Qabribayax iyo Araarso.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in gaariga Isuzu-ga ah uu siday jaad, isla markaana uu ku socday xawaare sare markii uu si xooggan ugu dhacay foorsidii ay saarnaayeen rakaabka, taasoo sababtay dhimashada dad badan oo goobta ku sugnaa.

Xogaha ugu horreeya ayaa muujinaya in 12-ka qof ee ku dhintay shilka ay dhammaantood ahaayeen rag, hase yeeshee weli lama shaacin magacyadooda.

Mas’uuliyiinta ayaa weli wada baaritaanka shilka, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo sababta rasmiga ah ee keentay musiibadan iyo khasaaraha guud ee ka dhashay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *