Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Musharrax madaxweyne Soomaaliyeed, Naasir Cige, oo muddo ka badan toban maalmood ku xirnaa dalka Kenya kaddib eedeymo la xiriiray haysashada baasaboorrro kala duwan, ayaa laga sii daayay maxkamadda Kahawa Law Courts ee Kenya. Naasir Cige, oo hore ula soo shaqeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa la xiray 11-kii Febraayo markii uu ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA), isaga oo ka yimid dalka Australia. Cige ayaa la hayay inta lagu guda jiray xaqiijinta dukumentiyadiisa safarka, kaddib markii ay soo baxeen tuhunno la xiriiray baasaboorradiisa. Garsooraha maxkamadda Kahawa, Gideon Kiage, ayaa amray sii deyntiisa…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fadliga bisha Ramadaan awgiis, markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta, haddii ay ka tanaasulaan fikirka xagjirka ah oo ay dib ugu soo laabtaan dadkooda iyo dalkooda. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay cafis siiso dhallinyarada la marin-habaabiyay, isla markaana loo abuuri doono nolol cusub iyo fursado ay dib ugu dhisan karaan mustaqbalkooda, si ay uga mid noqdaan bulshada inteeda kale. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq u diray dhallinyaradaasi, isaga oo yiri: “Waxaan baaq u dirayaa dhallinyarada la marin-habaabiyay ee ka tirsan…
Madaxweynaha Iiraan, Mazoud Peseshkian, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uusan u jilicsanaan doonin cadaadis uga imanaya Mareykanka, kadib markii madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu sheegay inuu ka fiirsanayo weerarro xaddidan oo lagu qasbayo Tehran inay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda nukliyeerka. Hadalka Pezeshkian oo la jeediyay Sabtidii, ayaa ku soo beegmay xilli ay cirka isku shareertay xiisadda ka taagan Gacanka Carbeed, iyadoo Mareykanku sii kordhinayo joogitaankiisa militari ee gobolka, isla markaana diray laba markab xambaara diyaaradaha dagaalka iyo tobannaan diyaaradood oo dheeraad ah. “Ma jilicsanaan doonno, mana u foorarsan soon caqabadahan,” ayuu Pezeshkian ka sheegay munaasabad lagu maamuusayay xubnaha kooxda Iiraan…
Pakistan ayaa habeenkii xalay ahaa fulisay duqeymo cirka ah oo ka dhan ah kooxo hubeysan oo ku sugan dalka deriska la ah, Afghanistan, halkaasoo dowladda Afghanistaan ay sheegtay in carruur iyo dad kale oo badan ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen. Dowladda Pakistan ma aysan faahfaahin meelaha saxda ah ee duqeymaha lagu qaaday iyo xog kale oo dheeraad ah. Maanta oo Axad ah, dowladda Afghanistan ayaa sheegtay in duqeymaha ka dhacay gobollada xuduudaha ay dileen islamarkaana dhaawaceen “dad tiro badan.” Afhayeenka dowladda, Zabihullah Mujahid, ayaa ku qoray X (horey loogu yiqiin Twitter) in habeenkii la duqeeyey shacabka reer Nangarhar iyo…
Iskaashiga sii kobcaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiga ayaa dhaliyay dhaliilo gudaha dalka ah, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah ay ku tilmaameen “mid hal dhinac faa’iido u leh Türkiye.” Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa si cad u beenisay eedeymahaas, iyadoo ku adkeysatay in madaxbannaanida dalka iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed aysan wax saamayn ah ku yeelan heshiisyada jira. War-saxaafadeed rasmi ah oo la sii daayay Jimcihii ayaa ku soo beegmay xilli uu dalka ka taagan yahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka, iyadoo la filayo doorashooyin muhiim ah dabayaaqada sanadkan. Khabiir ku takhasusay…
A soldier from the presidential guard of Jubbaland President Ahmed Mohamed Islam Madobe, has reportedly defected, amid allegations that a vehicle linked to a senior official in the Office of Somalia’s Prime Minister was used to facilitate his escape. Reliable sources told Banaadir24 Online that a vehicle said to belong to Kamal Guutaale, the Permanent Secretary in the Office of the Prime Minister of the Federal Government of Somalia, was used to transport the soldier, who was armed with a PKM machine gun at the time. The soldier was a member of the close protection unit assigned to President Ahmed…
Askari kamid ahaa ciidamada ilaalada madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed, ayaa lagu soo waramayaa inuu goostay. Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoonyahay ayaa Banaadir24 Online, u sheegay in gaari uu leeyahay Kamala Guutaale, oo ah Xoghayaha Joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya loo adeegsaday in lagu qaado askariga ka tirsan ilaaladda gaarka ah ee Madaxweynaha Jubaland Ahmed Madobe, kaasoo watay qori nooca PKM. Muuqaal Cctv ah oo ku xiran xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo si hoose loo dusiyay ayaa muujinayo gaariga oo askariga qaaday maalintii uu furmay wadaxaajoodka dowladda iyo mucaaradka. Sidoo kale, ilaha ayaa…
Al-Shabaab militants have carried out the public execution of 10 young men in the towns of Bu’aale and Kuunya Baroow in Somalia’s Middle Juba region, according to local residents and eyewitnesses. Reports from Bu’aale indicate that the group summoned residents to an open square in the center of the town, where five young men were presented before a crowd. Al-Shabaab accused the individuals of acting as “spies” before executing them on the spot. Local sources confirmed that the five men were shot dead immediately after the accusations were publicly announced. In a similar incident in Kuunya Baroow, five other young…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta, iyadoo hawlgallo qorsheysan oo ay fuliyeen ciidammada amniga lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa garabka maaliyadda iyo boobka hantida shacabka ee kooxda khawaarijta. Hawlgalladan oo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo jubadda dhaxe ayaa lagu beegsaday horjoogeyaal si gaar ah ugu lug lahaa ururinta baadda, dhaca hantida shacabka iyo maalgelinta falalka argagixiso ee ay kooxdu khawaarijtu ka waddo dalka. Horjoogaha koowaad ayaa lagu magacaabi jiray Cabdillaahi Xasan, oo loo yaqaanay Cabdillaahi Wadaad, kaas oo lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow,Wadaad ayaa ahaa horjooge u…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata inay qaadayso tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awooddeeda dagaal ee cirka, iyadoo la filayo in ay hesho lix diyaaradood oo nooca JF17 Thunder ah oo laga keenayo Pakistan. Warar hoose oo ka imanaya falanqeeyayaal amni iyo kormeerayaal goboleed ayaa sheegaya in diyaaradahaasi loo diyaariyey in loo wareejiyo Muqdisho. Haddii arrintan ay hirgasho, waxay noqon doontaa tallaabo muuqata oo Soomaaliya ku doonayso inay dib ugu dhisto ciidankeeda cirka, kaas oo inta badan aan shaqeyn tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii. Warar laga helay ilo furan ayaa muujinaya in lixda diyaaradood ay qeyb ka…