Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in saldhigga Dayaxgacmeedyada ee Turkigu qorsheynayo inuu ka hirgeliyo Soomaaliya uu furi karo fursado cusub oo iskaashi oo ku saabsan amniga, warshadaha difaaca iyo wadaagista teknoolojiyadda ee labada dal. Burhanettin Duran, oo ah madaxa Waaxda Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga, ayaa ku tilmaamay mashruucan mid ka mid ah iskaashiyada ugu muhiimsan ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho, isaga oo ku sifeeyay “hindise xiiso leh”. “Waxaan aaminsanahay in mashruucan xiisaha leh uusan kaliya kor u qaadi doonin sumcadda caalamiga ah ee Turkiga iyo Soomaaliya, balse uu sidoo kale u gogol xaari doono…
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa Xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan. Kullanka oo ay qeyb ka ahaayeen khubaro labada dhinac ka socotay ayaa looga hadlay horumarinta iyo dardargelinta dadaallada lagu xoojinayo ganacsiga Soomaaliyeed, si loo helo sal sharci oo aas-aas u noqda arrimaha ganacsiga dalka. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray dejinta hannaan sharci oo ku aaddan xallinta murannada iyo khilaafaadka ganacsi iyo sameynta maxkamado u gaar ah arrimaha ganacsiga. Waxaa hoosta laga xarriiqay in Wasaaradda Cadaaladda qaadato doorka dhismaha maxkamadahaas iyo dejinta…
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadisay u hoggaansanaanta awaamiirta hay’adaha amniga iyo ku gacan-siinta shaqadooda, ayaa dhanka kale masuuliyiinta heerarka kala duwan ee dowladda ku wargelinaysa xoojinta
Soomaaliya iyo Turkiga oo yeeshay kulan ku saabsan xoojinta Iskaashiga dhinaca Warbaahinta (Sawirro)
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo uu wehliyo Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa magaalada Ankara kulan kula yeeshay Wasiirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Turkiga, Mudane Burhanettin Duran. Kulanka labada dhinac waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidii warbaahinta ay qeyb weyn uga qaadan lahayd guulaha uu ku tallaabsaday iskaashiga labada dal oo haatan meel fiican maraya. Labada dal ayaa isku afgartey inay abuuraan wadashaqeyn istaraatiijiyadeed oo looga hortagayo dhibaatada wararka been-abuurka ah, isla markaana la iska kaashado xirfadaha iyo aqoonta warbaahinta…
Somalia’s Federal Government Minister of Defence, Ahmed Mo’allim Fiqi, has strongly criticized the ongoing political rift between the government and opposition figures, declaring that what he described as “political hostage-taking” of the country and its electoral process will not be tolerated. In a statement posted on his official Facebook page, Fiqi opened with a Somali proverb, warning against what he portrayed as deliberate obstruction. He accused certain opposition politicians of intentionally derailing talks aimed at resolving disagreements over the electoral framework. According to the minister, opposition figures have held multiple meetings in various locations, including Kismayo, hotels within the heavily…
Somaliland ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay shabakad ay ku eedeeysay inay ka shaqeyneysay wiiqitaanka aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israa’iil. Cabdalle Maxamed Carab Sandheere oo ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Somaliland ayaa sheegay in Shabakaddan ay soo direen dowladda federaalka Soomaaliya iyo dalal shisheeye ujeedaduna ay tahay in lagu wiiqo aqoonsiga ay ka heleen isra’iil. “Markii aan aqoonsiga helnay, waxaa soo baxay cadow kasoo horjeeda guusha aan gaarnay,” ayuu yiri Wasiir Sandheere. Wuxuu intaas ku daray: “Ciidamada amnigu, dadaalkooda awgiis, waxay qabteen shabakad u shaqeysa cadawga oo ay maal-gelinayaan dalal shisheeye. Waxaana koow ka ah oo taageeraya Xasan…
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa afar howlgal oo qorsheysan oo toddobaadkan ay ka fuliyeen deegaanno ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ku dilay in ka badan 23 dhagar-qabe oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo isu diyaarinayay in ay falal amni darro ka fuliyaan degmooyin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Howlgalladan, oo ahaa kuwo ka hortag ah, ayaa yimid kaddib markii NISA ay heshay xog sirdoon oo muujinaysay in kooxda Khawaarijtu ay maleeshiyaad ku abaabulayeen deegaannada Waab-weyn iyo Goobo, oo hoostaga Degmada Maxaas, islamarkaana uu hoggaaminayay horjooge lagu magacaabo Mustaf Caato,…
Maamulka Puntland ayaa kasoo horjeestay tallaada uu qaaday gudiga doorashooyinka here federaal oo sheegay in dooraashin lagu qabanayo deegaano uu ka arimiyo maamulka Puntland. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu cambaareeyay tallaabadaasi iyadoo wasaaraddu ay kasoo horjeesatay in dowlaadda federaalka ay doorashooyin ka qabato degmooyinka gobolada Sool iyo Sanaag oo lagu daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Dowladda federaalka ayaa dhankeeda iminka raalli galin ka bixisay in doorasho qof iyo cod ah laga qabto degmada Galdogob ee deegaanada Puntland kadib markii ay Puntland si cad uga hor imaatay in guddiga dooraashinka federaalka uusan wax doorasho ah kaqaban…
Iyadoo doorashooyinka guud ee Soomaaliya lagu wado inay qabsoomaan bartamaha sanadkan, diyaargarowga amniga iyo helitaanka is-afgarad siyaasadeed ayaa noqday qodobbada ugu muhiimsan ee lagu cabbirayo xaaladda dalka, taasoo Mahad Salaad ka dhigtay mid hormuud ka ah dadaallada lagu xasilinayo dalka ka hor codbixinta. Mahad, oo ah Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), ayaa toddobaadyadii u dambeeyay isku daray wada-xaajood siyaasadeed iyo dib-u-habeyn amni, isaga oo xasilloonida ka dhigay shardi lama huraan u ah qabsoomidda doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo. Agaasimaha NISA oo kulamo xasaasi ah la qaatay Farmaajo, Deni & Axmed Madoobe Wadatashiyadiisa ayaa waxaa ka mid…
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia Danjire Dr Faysal Axmed Salaad ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Sam Mostyn, oo ah wakiilka boqorka (Governor-General) dalka Australia. Intii lagu guda jiray munaasabadda, safiirku waxa uu adkeeyay muhiimadda xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Australia. Qodobada muhiimka ah ee la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa: * Muhiimadda ay xawaaladaha u leeyihiin dhaqaalaha Soomaaliya iyo baahida loo qabo fududeynta rukhsadaha iyo helitaanka akoonnada bangiyada ee shirkadaha xawaaladaha (MSBs) ee ka shaqeeya Australia. * Horumarinta iskaashiga waxbarashada iyo ganacsiga si loo gaaro…