Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Israa’iil ayaa maanta oo Sabti ah weerar ay ku tilmaamtay hortag ku qaaday Iran, sida uu shaaciyey Wasiirka Difaaca Israa’iil. Wararka ka imaanaya Tehran ayaa sheegaya in qaraxyo la maqlay, inkastoo sababta qaraxyada weli aan la caddayn. Maalmihii u dambeeyey, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa Iran ku tilmaamay “mid aad u adag” isla markaana “aad u khatar badan”. Wareegga saddexaad ee wada-hadallada u dhaxeeya Iran iyo Maraykanka ayaa ka dhacay Jineeva Khamiistii, iyadoo wareeg kale oo wadahadallo ah la filayo maanta. (Wararka oo faahfaahsan ayaa soo socda)
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si weyn u dhaliilay duqeymaha Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in duqeymaha Cirka re Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya aanan lagala tashan dowladda federaalka Soomaaliya islamarkaana ay waxyeello u geystaan dadka rayidka ah. Ismaaciil Cumar Geelle, oo wareysi siiyay wargeyska caanka ah ee Jeune Afrique oo la filayo in la daabaco bisha Maarso ayuu Mareykanka si weyn ugu dhaliilay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya oo uu sheegay inay wiiqayaan dagaalka ka dhanka AlShabaab isagoo tilmaamay in Mareykanku uu duqeymaha fuliyo isagoo ku tiirsan xog sirdoon oo khaldan. Madaxweynaha Jabuuti ayaa tilmaamay in Mareykanka…
Soomaaliya ayaa gashay sanad taariikhi ah oo go’aan qaadasho leh—2026—xilli la filayo in dalka ay ka dhacaan doorashooyin weli muran siyaasadeed hareeyay. Si kastaba ha ahaatee, walaaca la xiriira hannaanka doorashada waxaa sii xoojiyay tirooyin naxdin leh oo ka soo baxay warbixinta caalamiga ah ee cabbiraadda musuqmaasuqa, iyadoo dalka uu la daalaa dhacayo macluul baahsan iyo amni darro joogto ah. Warbixinta Transparency international, ee la yiraahdo Corruption Perceptions Index (CPI), oo la daabacay 10-kii Febraayo, ayaa muujisay in Soomaaliya ay gashay kaalinta 181-aad ee 2025—taasoo ka dhigan kaalinta labaad ee ugu dambeysa caalamka—iyadoo heshay kaliya 9 dhibcood 100-kii dhibcood ee…
Soomaaliya ayaa wajahaysa xiisado siyaasadeed oo isa soo taraya iyo caqabado amni, iyadoo dalka uu isu diyaarinayo doorashooyinka la qorsheeyay sanadka 2026. Doodaha la xiriira dib u habaynta nidaamka doorashooyinka iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa sare u qaaday hubanti la’aan ku saabsan jadwalka dimuqraadiyadeed ee dalka. Maamulka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo jeediyay in dalka looga gudbo nidaamka doorashada dadban loona wareego nidaam cod toos ah oo ku dhisan “qof iyo cod,” tallaabadaas oo taageerayaasheedu ku tilmaameen mid ballaarinaysa ka-qaybgalka dimuqraadiyadda. Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyeyaasha qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ayaa…
Magaalada Galdogob waxaa ka dhacay dhacdo si weyn looga hadal haayo guud ahaan deegaanada Puntland. Ciidamada ammaanka Puntland oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa arrin lama filaan ah ku sameeyay nin halkaas maalin kahor ku dilay qof safar ahaa isagoona mid kale dhaawacay. Gacan kidhiiglaha oo dilka kadib u baxsaday dhanka dowlada deegaanka Soomaalida ayaa waxaa kadaba tagay ciidamada Puntland oo daba galay markii uu baxsaday kadib. Ciidamada ayaa markii ay ka dabatageen kadib ku amray inuu isisoo dhiibo balse diiday iyadoo intaas kadib ay ciidamada toogteen, sida uu sheegay ciidamada qeybta booliiska gobolka Mudug Maxamuud Cabdixakiin Yusuf. Gacan ku dhiiglaha…
Koox burcad badeed ah ayaa maanta xeebaha degmada Eyl ku weeraray dooni Kalluumeysi oo ay doonayeen inay afduubtaan. Doonida kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iran ayaa waxay wararku sheegayaan inay rasaas ku furtay kooxda Burcad badeedka kadib markii ay aad ugu dhowaadeen. Burcadda oo ka baxday deegaanka Maraya oo hoostaga degmada Eyl ayay wararku sheegayaan inuu soo gaaray qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Mid kamid ah kooxda burcad badeedka ah ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay rasaasta halka laba kale ay ku dhawacmeen iyadoo markii dambe ay ciidamada Puntland la wareegeen meydka iyo dhaawaca. Kooxda burcadda weerarka geysatay ayay…
Dowladda Pakistan ayaa Jimcihii duqeymo ka fulisay caasimadda Afghanistan ee Kabul iyo laba gobol oo kale, saacado kaddib weerar is-dhaafsi ah oo ka dhacay xadka labada dal. Tallaabadan ayaa noqotay midii ugu dambeysay ee sii hurisay rabshadaha u dhexeeya labada dal ee dariska ah, kuwaas oo sanadkii 2025 saxiixday xabbad-joojin uu dhexdhexaadiyay dalka Qatar. Duqeymaha ayaa yimid kaddib bilo ay socdeen iska hor-imaadyo is-daba joog ah. Ciidamada Afghanistan ayaa habeenkii Khamiista weerar ku qaaday ciidamo ilaalo ka hayay xadka Pakistan, iyadoo xukuumadda Taliban ay sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid jawaab u ah duqeymo hore oo sababay khasaare dhimasho. Saacado…
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in taageerada milatari ee Turkiga ay si muuqata uga caawisay ciidamada Soomaaliya inay dib u riixaan Al-Shabaab, isaga oo meesha ka saaray wararka sheegaya in kordhinta joogitaanka Ankara ay la xiriirto aqoonsigii Israel ee Somaliland. Wasiirka ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska Turkiga ee Cumhuriyet oo la daabacay Khamiistii, maalin kadib markii uu ka qeyb galay munaasabad ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo lagu qabtay Xarunta Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga ee Ankara. Markii la weydiiyay in qalabka iyo hubka milatari ee kordhay ay wax ka bedeleen xaaladda dagaalka, Jama…
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in la helay meydka qof dumar ah oo la aaminsanyahay inay ahayd Ikraan Taliil. Lafaha qofka ayaa waxay wararku sheeyaan inay ku dhex jireen Kartoon islamarkaana lasii galiyay meel god ah. Qofka meydkiisa la helay ayaa waxaa marka laga soo tago in la dhexgaliyay maro waxaa dhinac yaalay dhar ay haweenku xirtaan oo isugu jiray Xijaab iyo duruuc kale. Saraakiisha ammaanka ayaa waxay sheegeen inay shaki weyn ka qabaan sax ahaanshaha in qofku yahay ikraan islamarkaana ay aaminsanyihiin in lafaha la helay ay yihiin kuwii Ikraan taliil gaar ahaann marka la eego…
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Turkiga ayaa maanta oo Khamiistii si cad u beenisay warar sheegayay in ay nidaamka difaaca gantaallada ee Ruushka laga soo iibsaday ee S-400 u dirtay dalka Somalia iyadoo ku tilmaantay wararkaasi kuwo ku saleysan mala-awaal lagu faafiyay baraha bulshada. Afhayeenka wasaaradda, Rear Admiral Zeki Akturk oo ka hadlay shir jaraa’id oo toddobaadle ah, ayaa sheegay in nidaamyada S-400 ay weli ku sugan yihiin gudaha Turkiga, isla markaana aysan jirin wax qorshe ah oo lagu geynayo Soomaaliya. “Sida aan hore u caddeynay, nidaamyada difaaca hawada ee S-400 waxaa loo soo iibsaday si waafaqsan baahiyaha howlgal ee Ciidamada Qalabka…