Author: Banaadir24

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo suurtagalnimada weerar milatari oo xaddidan oo ka dhan ah dalka Iran, xilli ciidamada Mareykanka ay kordhinayaan joogitaankooda gobolka. “Waxaan qiyaasayaa inaan dhihi karo waan ka fiirsanayaa arrintaas,” ayuu Trump ku sheegay jimcihii, markii suxufi weydiiyay haddii uu ka fikirayo weerar milatari oo xaddidan oo lagu qaado Iran. Saxaafadda ayaan fursad u helin inay maqlaan inta ka hartay jawaabta madaxweynaha, kaddib markii wariyeyaasha laga saaray qolka uu kula kulmayay guddoomiyeyaasha gobollada dalka. Sida ay werisay CBS news khamiistii, Trump weli ma uusan gaarin go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan in la…

Read More

Warbaahin laga leeyahay dalka Israa’iili ayaa soo saartay warbixin ka digaysa xiisad sii kordheysa oo u dhaxaysa Masar iyo Israa’iil taasoo keeni karta isku dhac toos ah ama dadban oo ka dhaca Soomaaliya. Natsiv Net, oo ah warbaahin ku hadasha afka Hebrowga, ayaa sheegtay in isbadalladii ilaa Febraayo 2026 ay muujinayaan tartan sii xoogeystay oo u dhexeeya Qaahira iyo Tel Aviv, gaar ahaan marka la eego sida ay labada dhinac uga howlgalaan gudaha Soomaaliya. Warbixinta ayaa tilmaamtay in go’aankii Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland uu ahaa isbeddel muhiim ah. 26-kii December 2025, Israa’iil waxay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi…

Read More

Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo laga cabsi qabo in haddii dagaal toos ah uu qarxo, uu si degdeg ah ugu fido guud ahaan Bariga Dhexe. Dowladda Israa’iil ayaa la sheegay inay isku diyaarineyso suurtagalnimada in ururka Xisbullah iyo kooxo kale oo ay taageerto Iran ay ku biiraan dagaalka, haddii uu qarxo iska horimaad u dhexeeya Mareykanka iyo Iran. Arrintan ayaa sare u qaadday heerka feejignaanta amni ee gobolka. Dhanka kale, dalal dhowr ah oo Carbeed, oo ay ku jiraan xulafada muhiimka ah ee Mareykanka ee Khaliijka, ayaa si qarsoodi ah ugu sheegay Washington inaysan oggolaan…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Saleh bin Nasser Al-Jasser. Heshiiskan ayaa khuseeya iskaashiga dhinacyada Gaadiidka Badda iyo Horumarinta Dekadaha, waxa uu xoojinayaa xiriirka istaraatiijiyadeed iyo wada-shaqeynta qotada dheer ee u dhexeysa labada dal. Iskaashigan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta kaabeyaasha dekadaha, tayeynta adeegyada gaadiidka badda, dhiirrigelinta maalgashiga, iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta farsamo. Heshiiskan ayaa kor u qaadaya hufnaanta iyo wax-soo-saarka dekadaha dalka, kordhinta isku xirka ganacsiga badda, iyo xoojinta doorka Soomaaliya ku leedahay marin-biyoodka istaraatiijiga…

Read More

Mareykanka ayaa Khamiistii ku dhawaaqay cunaqabateyn lagu soo rogay saddex taliye oo ka tirsan maleeshiyaadka Rapid Support Forces (RSF), iyada oo lagu eedeeyay doorkooda go’doomintii 18-ka bilood socotay iyo qabsashadii magaalada Al-fashir, halkaas oo lagu tuhunsan yahay in ay ka geysteen dilal ballaaran oo nidaamsan. War-saxaafadeed kasoo baxay waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa RSF ku eedeeyay inay fulisay “olole argagax leh oo ku saleysan dilal qowmiyadeed, jirdil, gaajo lagu khasbay, iyo tacaddiyo galmo” intii lagu guda jiray go’doominta iyo qabsashada Al-Fashir. Al-Fashir oo ah caasimadda gobolka Darfur ayaa gacanta u gashay RSF bishii Oktoobar 2025, kadib go’doomin dheer oo sababtay dilal…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah ee hoos ku xusan: Axdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Hortagga Isku-Dhacyada Badda (COLREG 1972) Axdiga Caalamiga ah ee Aasaasidda Sanduuqa Caalamiga ah ee Mag-dhawga Waxyeellada Wasakheynta Shidaalka (1992) Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga, U-diyaar-garowga iyo Ka Jawaabista Wasakhowga Saliideed (1990) Meel-marinta axdiyadan waxay muujinaysaa dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo badbaadada, ilaalinta deegaanka badda, iyo kor u qaadista sumcadda iyo kalsoonida Soomaaliya ee saaxadda caalamiga ah. Sidoo kale, waxay laf-dhabar u yihiin horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee gaadiidka iyo…

Read More

Heavy airstrikes targeted positions held by Al-Shabaab militants on Thursday in Waabweyn, an area under the district of Maxaas in Somalia’s Hiiraan region. The operation was carried out jointly by the Somali National Army and international partners, according to government officials. The strikes reportedly hit camps where Al-Shabaab fighters were said to be mobilizing. Military officials confirmed to local media that the bombardment inflicted casualties on the group, including deaths and injuries. However, they did not provide an exact figure for the number of casualties. Authorities described the operation as part of ongoing efforts to strengthen security and weaken Al-Shabaab’s…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka, kuwaasi oo soo ajiibay Gogosha wadatashi ee ay fidisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Soo dhoweyn kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan labo-geesood ah oo lagaga hadlayo xaalada guud ee dalka, doorashooyinka, adkeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, gurmadka abaaraha iyo la dagaalanka Khawaarijta.

Read More

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo abaaraha ba’an ee saameeyay qaybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed. Golaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda gurmadka bani’aadannimo iyo dardargelinta qorsheyaasha wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha abaarta. Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku saabsan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, waxaana loo magacaabay Mudane Liibaan Cabdi Cigaal.…

Read More

Puntland security forces have arrested a Yemeni national believed to be a member of ISIS militants following a planned operation carried out in the Tasjiic area of the Cal-Miskaad Mountains in the Bari region. The operation, described as strategically coordinated, targeted locations suspected of harboring ISIS members. Security officials said the Yemeni suspect was captured at one of the group’s bases in the mountainous terrain, where Puntland forces have been conducting a series of ongoing operations in recent months. Officers from the Puntland security forces told the media that the arrest of the foreign national is part of a broader…

Read More