Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Dowladda Federaalka Oo Pakistan Kasoo Iibsatay Diyaaradaha Dagaalka Ee JF-17 Thunder
    LATEST NEWS

    Dowladda Federaalka Oo Pakistan Kasoo Iibsatay Diyaaradaha Dagaalka Ee JF-17 Thunder

    Banaadir24By Banaadir2421 February 2026No Comments3 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata inay qaadayso tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awooddeeda dagaal ee cirka, iyadoo la filayo in ay hesho lix diyaaradood oo nooca JF17 Thunder ah oo laga keenayo Pakistan. Warar hoose oo ka imanaya falanqeeyayaal amni iyo kormeerayaal goboleed ayaa sheegaya in diyaaradahaasi loo diyaariyey in loo wareejiyo Muqdisho.

    Haddii arrintan ay hirgasho, waxay noqon doontaa tallaabo muuqata oo Soomaaliya ku doonayso inay dib ugu dhisto ciidankeeda cirka, kaas oo inta badan aan shaqeyn tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii.

    Warar laga helay ilo furan ayaa muujinaya in lixda diyaaradood ay qeyb ka yihiin wada-xaajoodyo ballaaran oo suurtagal ka dhigaya heshiis lagu gaari karo ilaa 24 diyaaradood oo ah nooca JF-17 Thunder Block III, iyadoo qiimaha guud lagu qiyaasay ku dhawaad 900 milyan oo doolar.

    Diyaaradda JF-17 Thunder waa dagaal-yahan fudud oo howlo badan qaban kara, waxaana si wadajir ah u soo saaray Pakistan Aeronautical Complex iyo shirkadda Shiinaha ee AVIC Jengdu. Diyaaraddu waxay caan ku noqotay dalal raadinaya xal kharash ahaan macquul ah balse leh awood dagaal oo la isku halleyn karo.

    Pakistan ayaa hore ugu dhoofisay diyaaraddan dalal ay ka mid yihiin Myanmar, Nigeria iyo Azerbaijan, iyadoo dalal kale sida Ciraaq, Bangladesh, Indonesia, Liibiya iyo Suudaan ay muujiyeen xiise.

    Soomaaliya, JF-17-yada ayaa u noqon kara beddel kharash ahaan ka jaban marka loo eego ikhtiyaarrada reer Galbeedka sida F-16 fighting Falcon kuwaas oo leh qiime iib iyo dayactir aad uga sarreeya.

    Warbixinadu waxay sidoo kale tilmaamayaan in taageero dhaqaale oo ku aaddan heshiiskan ay bixinayaan Türkiye iyo Sacuudi Carabiya, taas oo la jaanqaadaysa danahooda istiraatiijiyadeed ee ku aaddan xasilinta Geeska Afrika. Türkiye ayaa hore Soomaaliya ugu taageertay diyaarado aan duuliye lahayn (drones) iyo tababar ciidan, halka Sacuudi Carabiya ay heshiisyo iskaashi militari la gashay Muqdisho si loola tacaalo xasillooni-darrada iyo saameynta dibadda.

    Taageeradan ayaa suurto-gelin karta in Soomaaliya ay casriyeyso ciidamadeeda iyadoo aan culays weyn saarin miisaaniyaddeeda qaranka, xilli ay weli la tacaalayso caqabado amni oo ay ka mid yihiin kooxaha hubeysan iyo muranno dhuleed.

    Haddii diyaaradaha la keeno Muqdisho sida la sheegay mustaqbalka dhow, waxay dib u soo celin karaan awoodda qarannimo ee hawada sare, gaar ahaan meelaha istiraatiijiga ah sida Berbera, Hargeysa, Kismaayo, Raas Caseyr iyo Raas Kambooni. Goobahan ayaa muhiim u ah xeebta dheer ee Soomaaliya oo qiyaastii 3,300 kiiloomitir ah iyo dhul baaxaddiisu gaareyso 637,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran, halkaas oo xakamaynta hawada sare ay weli tahay arrin muran ka taagan yahay.

    Horraantii sanadkan, wafdi ka socday Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Cirka, Mahamud Sheekh Cali, ayaa booqday Islamabad si ay u dardargeliyaan wada-xaajoodyada la xiriira iibsiga diyaaradaha.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleDowladda Iiraan oo farriin digniin ah u dirtay Mareykanka
    Next Article Xiisad ka taagan Buurhakaba, mas’uuliyiinta Maamulka oo qaadacay Maamulka Koonfur Galbeed
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    By Banaadir248 November 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo si dhow ula safan Madaxweyne…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan
    • Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan
    • Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…
    • Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad
    • Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d