Author: Banaadir24

Warbaahinno kala duwan oo Maraykan ah ayaa sheegay in militariga Mareykanka uu diyaar u yahay suurtagalnimada duqeymo ka dhan ah Iran, xilli laga yaabo inay bilaabmaan toddobaadkan dhammaadkiisa, iyagoo soo xiganaya ilo aan magacyadooda la shaacin. Wareegga Labada Wadahadallada Mareykanka Iyo Iran Oo Ka Dhacaya Geneva Si kastaba ha ahaatee, wararku waxay tilmaameen in Madaxweyne Donald Trump uusan weli qaadan go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan fulinta weerar militari. Trump ayaa marar badan ku celceliyay dalabkiisa ah in Iran joojiso barnaamijkeeda nukliyeerka, isaga oo ka digay inuu adeegsan doono awood militari haddii aan heshiis la gaarin. Sida ay qoreen…

Read More

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Talaadadii sheegay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland uusan wax faa’iido ah u lahayn Somaliland lafteeda iyo guud ahaan gobolka. Bishii Diseembar, Erdogan ayaa ku tilmaamay go’aanka Israa’iil ee ah inay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland oo ah gobol waqooyi oo ka tirsan Soomaaliya, kuma dhawaaqay gooni-isu-taag sannadkii 1991 — mid sharci-darro ah oo aan la aqbali karin. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Israa’iil inay isku dayeyso inay xasillooni-darro ka huriso Geeska Afrika. “Waxaan si gaar ah hoosta kaga xarriiqayaa mowqifkeenna ku aaddan ixtiraamka madaxbannaanida iyo wadajirka…

Read More

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta gaaray deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, si dib-u-dejin loogu sameeyo qoysaskii ay kooxda Khawaarijta ka dumisay guryahoodii, kana barakicisay deegaannadan. Ujeeddada socdaalka mas’uuliyiinta ayaa ahayd fulinta ballanqaadkii Dowladda ee xasilinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta, isla markaana la dardargeliyo howlaha dib-u-soo-kabashada bulshada. Dadka deegaanka ayaa lagu wareejiyay guryo cusub oo la dhisay kaddib xoreyntii deegaannadan. Sidoo kale, waxaa la gaarsiiyay raashin iyo adeegyo gargaar oo loogu talagalay qoysaska…

Read More

Wareega labaad wadahadallo xasaasi ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ayaa la filayaa in ay dhex maraan Mareykanka iyo Iiraan, kuwaas oo lagu qaban doono safaaradda Cumaan ku leedahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Ayacucho, ayaa la filayaa inuu wadahadallo la yeesho ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witcoff, iyo soddogga madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, oo ah Jared Kushner, Wadahadalladan ayaa la sheegay in ay dhexdhexaadinayso Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr Bin Hamad. Mareykanka ayaa doonaya in ballaadhinta ajandaha wadahadallada lagu daro arrimo aan ku koobnayn nukliyeerka,…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad qado-sharafeed u fidiyay xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya  oo ay ku jiraan madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka si ay uga qeybgalaan kulan lagu qabanayo maanta hoteelka Decale ee ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Casuumaaddan ayaa timid kadib markii madaxweynuhu dib ugu soo laabtay Muqdisho, isagoo ka qeybgalay shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacay Itoobiya. Kulanka qadada ah ayaa la filayaa inuu gogol-xaar u noqdo wada-hadallo rasmi ah oo u dhexeeya Golaha Mustaqbalka iyo dowladda federaalka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu jebiyo ismari-waaga ka taagan doorashooyinka baarlamaanka iyo…

Read More

Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in lagu dilay wiil dhallinyaro ahaa. Allaha u naxariistee marxuumka oo lagu magacaabi jiray Fatxi Madhooke ayaa waxaa toogasho ku dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo sida la sheegay doonayay inuu ka dhaco taleefanka gacanta oo uu watay. Fatxi ayaa la sheegay in xilligii la dilayay uu kasoo baxay masaajid uu salaada kusoo kusoo tukaday waxana wararku sheegayaan in askari uu ku amray taleefanka gacanta uu watay inuu isaga ku wareejiyo balse marxuumka uu diiday taasoo sababtay inuu rasaas wadnaha uga dhufto isagoona marxuumka isla goobta ku geeriyooday…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thaani. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa wadahadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar, iyadoo labada hoggaamiye ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhaxeeya labada dal Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar, go’aankii aan leex leexadka lahayn ee ay ku garab istaagtay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo…

Read More

The Somali National Army (SNA), in coordination with international partners, carried out an airstrike targeting Al-Shabaab militants who were planting landmines along the road connecting the areas of Masaajid Ali Gaduud and Daaru Salaam in the Middle Shabelle region, authorities said. According to officials, the operation specifically targeted fighters who were allegedly preparing to carry out attacks against civilians traveling along key routes linking communities in Middle Shabelle. The strike resulted in the deaths of 15 militants. Military sources said the airstrike also destroyed a vehicle used by the group to transport and plant improvised explosive devices, along with the…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka Qaramada Midoobay, kaas oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa, kana mid ahaa kulan-doceedyada muhiimka ahaa ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika. Madaxweynaha ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay saameeyeen caqabado ay ka mid yihiin colaadaha daba dheeraaday, loollanka siyaasadeed iyo cadaadisyo dhaqaale, isagoo adkeeyay in loo baahan yahay dib-u-habayn lagu waafajinayo nidaamka caalamiga ah duruufaha maanta jira, si loo xoojiyo waxtarka iyo kalsoonida lagu qabo hay’adda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Afrika ay door muuqda ku leedahay ajandaha nabadda…

Read More

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM [African Peer Review Mechanism (APRM)], oo ah habraac uu aas-aasay Midowga Afrika si dalalka xubnaha ahi ay isu qiimeeyaan, isu la xisaabtamaan, isla markaana u horumariyaan maamul wanaagga, hufnaanta iyo tayada hay’adahooda dowladeed. Ku biiristan ayaa lagu xaqiijiyay intii uu socday Kal-fadhigii 35-aad ee Madasha Hoggaamiyeyaasha Dalalka iyo Dowladaha ee APRM, halkaas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud, uu ku saxiixay Heshiiska Is-afgaradka ku biirista (MoU), taas oo muujinaysa go’aan heer qaran ah oo lagu xoojinayo hannaanka dib u habaynta…

Read More