Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerarrada lagu qaaday garoomada Boqortooyada Sacuudi Carabiya

    9 October 2026

    Jubbaland oo war kasoo saartay la-wareegidda Beledxaawo

    9 October 2026

    Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegtay deegaanka Hees

    9 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Türkiga oo gacan weyn siiyay DFS & Al-Shabaab oo wajahaya xaaladdii ugu adkeyd
    LATEST NEWS

    Türkiga oo gacan weyn siiyay DFS & Al-Shabaab oo wajahaya xaaladdii ugu adkeyd

    Banaadir24By Banaadir2427 February 2026No Comments3 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in taageerada milatari ee Turkiga ay si muuqata uga caawisay ciidamada Soomaaliya inay dib u riixaan Al-Shabaab, isaga oo meesha ka saaray wararka sheegaya in kordhinta joogitaanka Ankara ay la xiriirto aqoonsigii Israel ee Somaliland.

    Wasiirka ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska Turkiga ee Cumhuriyet oo la daabacay Khamiistii, maalin kadib markii uu ka qeyb galay munaasabad ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo lagu qabtay Xarunta Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga ee Ankara.

    Markii la weydiiyay in qalabka iyo hubka milatari ee kordhay ay wax ka bedeleen xaaladda dagaalka, Jama wuxuu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay fuliyeen howlgallo kala duwan, galeen deegaanno horleh, isla markaana ay khaarijiyeen taliyeyaal ka tirsan Al-Shabaab.

    Joogitaanka milatari ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa si xawli ah u kordhay bilihii u dambeeyay. Diyaaradaha dagaalka ee F-16 Fighter Falcon ayaa la geeyay Muqdisho dabayaaqadii Janaayo, waxaana waday duuliyeyaal ka tirsan Ciidanka Cirka Turkiga oo saldhig ku leh dalka. Warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale tabisay in taangiyo uu Turkigu bixiyay ay soo gaareen dekedda Muqdisho, iyadoo muuqaallo arrintaas la xiriira ay ku faafeen baraha internetka. Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa ku tilmaantay tallaabooyinkan kuwo taageero u ah la-dagaallanka argagixisada, halka falanqeeyayaal qaar ay aaminsan yihiin in sidoo kale lagu ilaalinayo danaha tamarta ee Ankara ku leedahay gobolka.

    Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa kordhinta joogitaanka Turkiga u fasirtay falcelin ka dhalatay aqoonsigii ay Israel bishii December siisay Somaliland. Saldhigga milatari ee ugu weyn Turkiga ku leeyahay dibadda, Camp Turksom, ayaa ku yaalla Muqdisho tan iyo 2017.

    Jama ayaa u sheegay Cumhuriyet in aanu jirin xiriir toos ah oo u dhexeeya qalabka milatari ee la soo diray iyo tallaabada Israel. “Soomaaliya iyo Turkiga muddo dheer ayay iska kaashanayeen dagaalka Al-Shabaab, waxa hadda socdaana waa qeyb ka mid ah iskaashigaas,” ayuu yiri. Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, isaga oo xusay in hoggaamiyuhu intii uu booqashada ku joogay Itoobiya uu caddeeyay in Somaliland ay weli ka mid tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Aqoonsiga Israel ee Somaliland ayaa dhaliyay diidmo rasmi ah oo ka timid Midowga Afrika, Midowga Yurub, Masar, Golaha Iskaashiga Khaliijka iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

    Dhanka tamarta, Wasiir Jama wuxuu sheegay in markabka qodista shidaalka ee Turkiga, Cagri Bey, oo ku sii jeeda biyaha Soomaaliya uu wax badan beddeli karo. “Markabkani marka uu gaaro Soomaaliya wuxuu na gaarsiin doonaa meel aad ugu dhow inaan ka mid noqono dalalka shidaalka soo saara ee caalamka,” ayuu u sheegay Cumhuriyet. Si kastaba, weli lama helin sahamin ganacsi oo rasmi ah, howlgalka hadda socdana waa mid sahamin ah.

    Markabka ayaa ka ambabaxay dekedda Taşucu 15-kii Febraayo, isagoo ay galbinayaan saddex markab oo dagaal, waxaana la filayaa inuu qodista ka bilaabo ceelka Curad-1 bisha April.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleMeyd La Rumeysanyahay Inuu Yahay Kii Ikraan Tahliil Oo Laga Helay Muqdisho
    Next Article Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Pakistan iyo Afgaanistaan
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerarrada lagu qaaday garoomada Boqortooyada Sacuudi Carabiya

    9 October 2026

    Jubbaland oo war kasoo saartay la-wareegidda Beledxaawo

    9 October 2026

    Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegtay deegaanka Hees

    9 October 2026

    Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku biloowday ku qaaday deegaan ka tirsan Hiiraan

    9 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerarrada lagu qaaday garoomada Boqortooyada Sacuudi Carabiya

    By Banaadir249 October 20260

    Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Jubbaland oo war kasoo saartay la-wareegidda Beledxaawo

    9 October 2026

    Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegtay deegaanka Hees

    9 October 2026

    Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku biloowday ku qaaday deegaan ka tirsan Hiiraan

    9 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerarrada lagu qaaday garoomada Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    • Jubbaland oo war kasoo saartay la-wareegidda Beledxaawo
    • Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegtay deegaanka Hees
    • Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku biloowday ku qaaday deegaan ka tirsan Hiiraan
    • Ciidamada Jubbaland oo gudaha u galay Beledxaawo, gacan-ku-haynta magaalada oo…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d