Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa sheegay in fuliyeen howlgallo qorsheysan, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo kamid ahaa dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab. Howlgalladaan ayaa si gaar ah uga kala dhacay deegaannada Waab-weyn iyo Isgoyska Madaxyo-weyn oo hoostaga Degmada Maxaas ayaa lagu dilay 17 xubnood, halka howlgalka kale uu ka dhacay deegaanka Buulo-naagey ee Gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay 23 kamid ah kooxda. Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda NISA.
Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si adag u cambaareysay weerarrada ay Iiraan ku qaadday dalal ka tirsan gobolka, iyadoo ku tilmaantay falalkaasi kuwo khatar gelinaya amniga iyo xasilloonida Bariga Dhexe. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in weerarradan ay yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida dalalka iyo ku tumasho sharciyada caalamiga ah. Sacuudi Carabiya ayaa diiradda saartay saddex arrimood oo waaweyn: Garab istaag buuxa oo ay la taagan tahay dalalka walaalaha ah Riyadh waxay xaqiijisay inay si buuxda ula safan tahay Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Qadar, Kuwayt iyo Urdun, iyadoo muujisay midnimo iyo…
Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo saartay amar lagu farayo in dib loo bilaabo bixinta adeegga Dal-ku-joogga, si loo hormariyo tayada iyo hufnaanta adeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda. Go’aankan ayaa si gaar ah u khuseeya ajaaniibta ka shaqeeya deegaanada Koonfur Galbeed iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wata baasaboorrada ajnabiga ah, kuwaas oo mar kale heli doona adeegga Dal-ku-joogga. Amar Ku Socda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ku amartay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee u qaabilsan deegaanada KGS in si degdeg ah loo bilaabo bixinta adeeggan, isla markaana la hubiyo…
Iiraan, waxay u muuqataa inay adeegsanayso awoodeeda oo dhan si ay u joojiso duullaanka wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil,iyadoo markii u horreysay ay si wadajir ah Iiraan u weerarrayso; dhulka ay heysato Israa’iil iyo dhammaan saldhigyada Mareykanka uu ku leeyahay dalalka khaliijka. Sidoo kale, inay Iiraan beegsanayso fagaarayaal ay ku jiraan goobo dal xiis oo ku yaalla caasimadaha khaliijka oo Doha iyo Dubai ku jiraan, waa caalamad ku filan duullaanka ay la kulmayso Iiraan inuu yahay mid ballaaraan. Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay ku xaqiijisay in dhulka Imaaraadka Carabta lagu beegsaday gantaallo ballistic ah…
Xildhibaanada ka soo jeeda Buurhakaba ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa warqad rasmi ah u diray Guddoomiyaha Midowga Afrika, iyaga oo ka digay faragelin ay ku eedeeyeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Sector 3 ee howlgalka Midowga Afrika (AUSSOM). Warqadda oo ku taariikheysan 27 Febraayo 2026, ayaa loo diray Guddoomiyaha Midowga Afrika, iyada oo nuqulna la gaarsiiyay Hoggaanka AUSSOM. Xildhibaanadu waxay muujiyeen walaac ku aaddan: Cadaadis siyaasadeed oo lagu hayo maamulka Buurhakaba. Faragelin lagu eedeeyay ciidamada Itoobiya inay ku sameeyaan arrimaha siyaasadda gudaha. Xasuusin ku saabsan dhacdadii doorashadii Koonfur Galbeed 2018 iyo doorkii ciidamada Itoobiya. Baahida loo qabo dhexdhexaadnimo buuxda oo…
Iyada oo ay sii xoogeysanayaan dadka sida weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo muddo sanado ah Maamulaya degaannads Koonfur Galbeed ayaa waxaa heegan la geliyay laamaha Ammaanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo. Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa habeennimo kormeer ku tegay dhammaan saldhigyada ciidamada ee ku yaalla magaalada Baydhabo, si uu ugu kuurgalo xaaladda amni iyo heeganka ciidanka. Wasiirka ayaa mid mid u booqday saldhigyada kala duwan, isagoo la kulmay saraakiisha iyo askarta ku sugan goobaha shaqada. Wuxuu ku bogaadiyey dadaalka iyo feejignaanta ay muujiyeen, gaar ahaan xilliyada habeennimada oo muhiim…
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Awdiinle oo hoostaga magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamo katirsan dowladda Itoobiya iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Sida ay wararku tilmaamayaan, dagaalka ayaa billowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Awdiinle. Labada dhinac ayaa la sheegay inay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo rasaas culus iyo mid fududba la maqlayay inta uu socday iska horimaadka. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka, mana jirto wax war ah…
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay siyaasiyiinta reer Puntland ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo hore uga soo guuray Puntland, isla markaana siweyn u mucaaradsan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Kulankaasi ayaa lagu lafaguray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo jihada doorashooyinka soo socda. Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu boorriyay siyaasiyiinta in ay xoojiyaan abaabulka shirarka iyo kulamada lagu taageerayo hannaanka doorashada “Qof iyo Cod”, isla markaana ay dhaqdhaqaaq siyaasadeed ka sameeyaan gudaha xaafadaha Muqdisho. Dhanka kale, dhacdo la mid ah tan maanta taagan ayaa la xusuustaa sanadkii 2021, xilligii uu waqtigiisu dhammaan rabay madaxweynihii…
Warar aan ka helnay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kuwaas oo lagu tirinayo mucaaradka maamulka Koonfur Galbeed, ay hub dhinaca dhulka ah ku geeyeen degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay. Arrintan ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha degmada Buurhakaba iyo guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed, iyadoo wararka la isla dhexmarayo ay tilmaamayaan in dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo diyaargarow siyaasadeedba ay ka socdaan halkaasi. Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in hubka la geeyay Buurhakaba uu yahay mid loogu talagalay in lagu xoojiyo garab siyaasadeed ka soo horjeeda hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed. Si kastaba ha…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Ilo ku dhow kulanka ayaa sheegay in ajandaha wada-hadallada uu salka ku hayay dardaaran siyaasadeed iyo qaban-qaabada shirka muhiimka ah ee 10-ka April ka furmaya magaalada Garoowe. Wararka la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in Deni iyo Sheekh Shariif ay u kala safri doonaan magaalooyinka Nairobi iyo Garoowe maalmaha soo socda, si loo sii ambaqaado wada-tashiyada iyo diyaar-garowga shirka la filayo inuu door muuqda ku yeesho jihada siyaasadeed ee dalka.…