Author: Banaadir24 Editor

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay munaasabad sagootin ah u qabatay Danjire Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, oo loo magacaabay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Danjire Maxamed Amiin, oo ilaa hadda ahaa Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyada, ayaa beddelaya Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay Sacuudiga, Amb. Aways Xaaji Yuusuf, kaas oo dhawaan loo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka. Magacaabista Danjire Maxamed Amiin ayaa waxaa si rasmi ah u aqbashay dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda uu u safro dalkaas si uu u gudbiyo warqadaha aqoonsiga (credentials) islamarkaana uu si rasmi ah ula wareego xilka…

Read More

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Qaybta Booliska ee Gobolka Nugaal, ayaa hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan eedaysane lagu magacaabo Guuleed Cabdicasiis Axmed. Eedaysanahan ayaa lagu tuhunsan yahay falal mukhalasnimo ah, tahriibinta dhalinyarada Soomaaliyeed, iyo sidoo kale tacadiyo jireed oo sababay dhaawacyo culus, kuwaas oo uu la xiriiray muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa gudaha dalka Liibiya. Sida ay sheegeen saraakiisha booliska, hawlgalkan lagu qabtay eedaysanaha ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo ay wadaan ciidamada si loola dagaallamo shabakadaha mukhalasiinta iyo cid kasta oo ka ganacsata tahriibinta dadka, kuwaas oo dhibaatooyin ba’an u geysta…

Read More

Ilo wareedyo rasmi ah ayaa xaqiijiyay in musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Cabdulqaadir Cosoble iyo Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur, ay is-xilqaameen isla markaana maalmaha soo socda kulan gaar ah la yeelan doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulankan uu yahay mid ay dalbadeen saddexda masuul ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif, kuwaas oo la tilmaamay inay ku hayb yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh. Ujeeddada kulanka ayaa la sheegay in ay tahay wadahadal ku saabsan xaaladda doorashada, xal u helidda tabashooyinka jira, iyo in la xoojiyo wada-tashiga siyaasadeed. Sida xog hoose oo…

Read More

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay afar sarkaal oo sare oo ka tirsan RSF (Rapid Support Forces), kaddib markii lagu eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen xadgudubyo culus oo ka dhan ah rayidka, gaar ahaan kuwa ka dhacay dalka Sudan. Cunaqabateyntan ayaa isugu jirta xayiraad safar iyo xayiraad lagu soo rogay hantida dibadda, taasoo ka dhigan in saraakiishan aanay u safri karin dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, isla markaana la xannibayo wixii hanti ah oo ay ku leeyihiin dibadda. Saraakiisha la saaray cunaqabateynta ayaa kala ah. Cabdulraxiim Xamdaan Daqlo – Ku-xigeenka Taliyaha…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si rasmi ah u muujisay mowqifkeeda ku aaddan xiisad xuduudeed oo u dhaxaysa Dowladda Kuwait iyo Jamhuuriyadda Ciraaq, iyadoo war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ku caddeysay in ay garab taagan tahay Kuwait. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay adkeynayso muhiimadda ay leedahay ixtiraamka shuruucda caalamiga ah, gaar ahaan heshiisyada iyo qaraarrada khuseeya xuduudaha badda iyo madaxbannaanida dalalka. Dowladda Soomaaliya waxay carrabka ku adkaysay in ay taageersan tahay ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Kuwait, isla markaana ay ku baaqday in khilaafka lagu xalliyo wada-hadal iyo habab nabadeed. Go’aankan ayaa imanaya xilli ay jiraan doodo…

Read More

Madaxweynaha Somaliland ayaa Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud u magacaabay inuu noqdo Safiir Buuxa oo Awood leh oo Somaliland u fadhin doona Dawladda Israa’iil. Magacaabistan ayaa ka dambeysay qiimeyn iyo tixgelin ku saabsan khibradda, aqoonta, iyo waayo-aragnimada diblomaasiyadeed ee Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, iyadoo lagu saleeyay dardargelinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Israa’iil. Safiirka cusub ayaa leh dhammaan haybadda, awoodaha, xuquuqaha iyo waajibaadka ku xusan xilka Safiirnimo, si waafaqsan Dastuurka  Somaliland, xeerarka dalka u yaalla, iyo qawaaniinta caalamiga ah ee diblomaasiyadda. Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay  Somaliland ku xoojinayso xiriirrada caalamiga ah,…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay isbeddel cusub oo lagu sameeyay taliska sare ee qaar ka mid ah hoggaanka ciidamada qalabka sida, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay dib-u-habeyn ballaaran oo muddooyinkii dambe ka socotay hay’adaha amniga dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Gaarka ah, Xasan Cadde, waxaana xilkaas loo magacaabay Aadan Dheere oo horey u ahaa Korneyl ka tirsan Hay’adda NISA, isla markaana loo dalacsiiyay darajada Jeneraal, waxaana sarkaalkan uu la soo Shaqeeyay dowladdii Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Taliyaha Ciidanka Cirka u magacaabay Cabdirisaaq “Eratrea”, kaas oo ka mid ahaa saraakiishii…

Read More

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Golaha Mustaqbalka Mucaaradka Kulankii ay Maanta yeesheen kaga arrinsanayeen jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xaaladda saddex dowlad-goboleed oo kala ah Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle. Ilo ku dhow dhow xubnaha kulanka ayaa xaqiijiyay in goluhu isku raacay in bisha Ramadaan kadib la bilaabo olole siyaasadeed oo abaabulan, kaas oo lagu wajahayo hoggaanka maamuladan oo lagu eedeeyay inay muddo-dhaaf yihiin islamarkaana si dhow ula safan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in mucaaradka Koonfur Galbeed loo xil saaray Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Fargeeti, uu degmada Buurhakaba ka bilaabo…

Read More

Qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho kaga hadlay lacagaha iyo xoolaha ay kooxda Al‑Shabaab ka qaaddo dadka ku nool deegaannada ay maamusho, iyagoo ku tilmaamay “baad iyo qasab aan shareecada iyo sharcigaba waafaqsanayn.” Wasiirrada ayaa sheegay in kooxda ay dadka ku sugan deegaannadaas ku khasabto bixinta lacago iyo xoolo ay ugu yeeraan “zakawaad,” xilli dalka ay ka jiraan abaaro iyo duruufo nololeed oo adag. Xukuumaddu waxay arrintan ku tilmaantay mid sii kordhinaysa culayska saaran shacabka, gaar ahaan beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada. Wasiirrada Amniga, Ganacsiga iyo Cadaaladda oo ka mid ahaa…

Read More

Waxaa maalintii labaad ku xiran xabsi ku yaalla Magaalada Baydhabo Nabadoon Isaaq Widaadow, kaddib markii ay xireen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Nabadoonka ayaa la sheegay in xariggiisu yimid kaddib markii uu si fagaare ah uga hadlay eex iyo horumar la’aan uu ku eedeeyay inay ka jirto deegaankiisa Gofgaduud Buurey. Wuxuu si gaar ah eedeyn ugu jeediyay Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Cabdulllaahi Cali Watiin, isagoo ku tilmaamay inuu si gaar ah u kala eexdo deegaannada hoos yimaada degmada. Ilo ku dhow dhow qoyska nabadoonka ayaa sheegay in aan weli si rasmi ah loo shaacin…

Read More