Author: Banaadir24 Editor

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa War-saxaafadeed rasmi ah ka soo saaray tallaabadii lagu soo celiyey xubno isugu jiray xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo shacab ku wajahnaa magaalada Garowe. Qoraalka Golaha ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay ka hor imanayso mabaadi’da dastuuriga ah ee xaqiijinaya xorriyadda dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda. Golaha ayaa xusay in safarka xubnahan uu la xiriiro ka qeybgalka arrimo qaran iyo wada-tashi ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu tilmaamay in dib u celinta xildhibaannada iyo shacabka ay tahay fal ka hor imanaya Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee dalka, gaar ahaan qodobada…

Read More

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya sida Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh, Wasiirka Tamarta Cabdullaahi Bidhaan iyo Wasiiru dowlaha Maaliyada Wasiir Xaange oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa tegay Hotel Airport, iyagoo doonaya iney la shiraan Xidhibaanadii maanta laga soo celiyay hawada xili ay u socdaalayeen magaalada Garoowe. Wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan Xildhibaannada inay iska diideen Wasiirada iyo Taliska Booliska Asad Diyaano, taas oo keentay inay dib uga soo laabtaan. Dhinaca kalena, xildhibaanada lasoo celiyay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedo gaar ah laga lahaa celintooda. Senator Sareedo oo katirsan Aqalka…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Jubaland ku qaabilay xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metela Jubaland. Xildhibaannadan oo gaaray magaalada Kismaayo ayaa halkaas u yimid shir wadatashi ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha taagan, iyagoo kulamo kala duwan la yeelanaya madaxda dowlad goboleedka. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada shaqeynta iyo isfahamka u dhaxeeya Dowlad Goboleedka Jubaland iyo wakiillada ku metela heer federaal, si loo dardargeliyo horumarka, amniga, iyo midnimada siyaasadeed ee dalka. Madaxweynaha iyo xildhibaannada ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Puntland, Abdirisak Ahmed Said, ayaa si kulul u cambaareeyey falal uu ku tilmaamay caburin iyo khatar-gelin ay ku kacday Dowladda Somalia, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xildhibaanno iyo shacab musaafiriin ah oo ku sii jeeday deegaannadooda. Eedeymaha Guddoomiyaha Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in xildhibaannada lagu hor istaagay gelitaanka xarunta Baarlamaanka, isla markaana maanta laga hor istaagay inay dib ugu laabtaan deegaannadooda iyagoo sooman. Wuxuu ku tilmaamay tallaabooyinkan kuwo is-daba-joog ah oo muujinaya xigmad-yari iyo burbur ku yimid hay’adihii federaalka. “Falalkan waxay khatar ku yihiin nidaamka dowladnimo iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Guddoomiyuhu. Guddoomiyuhu wuxuu si toos ah…

Read More

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku muujiyay walaac ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. War-saxaafadeedka oo ka soo baxay xarunta xisbiga ayaa lagu cambaareeyay, sida ay sheegeen, “dhibaatada maanta hawada looga soo celiyay diyaaradii ay la socdeen xubno ka tirsan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku sii jeeday Puntland.” Xisbigu wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay mid mas’uuliyad darro ah oo dhaawacaysa wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kalsoonida muwaadiniinta. Himilo Qaran ayaa xusay in…

Read More

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ruqsaddii duulimaadyada kala noqotay Shirkadda Diyaaradaha Daallo, kadib markii lagu eedeeyay inay laba jeer khatar gelisay nolosha muwaadiniin iyo masuuliyiin reer Puntland ah, isla markaana ay jebisay xeerarka iyo shuruucda duulista rayidka. Warqad rasmi ah oo kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada, kuna taariikheysan 1-da Maarso 2026, ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta ay shirkadda Daallo ka joojinayaan dhammaan duulimaadyadii ay ka fulin jirtay garoomada diyaaradaha ee Puntland. Wasaaraddu waxay caddeysay in tallaabadan ay timid kadib falal lagu tilmaamay kuwo…

Read More

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah uu uga bilowday gobolka Shabeellaha Hoose howlgal amni oo ballaaran, kaas oo loogu magac daray “Howlgalka Hillaac”, laguna beegsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya. Sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka, howlgalka Hillaac waxaa lagu bartilmaameedsanayaa saldhigyada iyo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan dagaalyahannada Al-Shabaab, gaar ahaan meelaha ay ka abaabulaan weerarrada iyo falalka amni-darrada…

Read More

Diyaarad siday xildhibaanno deegaan doorashadoodu tahay Puntland, kana tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa dib loogu celiyay magaalada Muqdisho wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in diyaaradda ay si caadi ah uga kacday garoonka, balse amar degdeg ah lagu siiyay in ay ku soo laabato caasimadda. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha dowladda oo sharaxaya sababta keentay dib-u-celinta diyaaraddaasi. Xildhibaannada saarnaa diyaaradda ayaa la sheegay inay ku sii jeedeen deegaanadooda, hase yeeshee safarkooda ayaa hakad galay kadib amarka lagu soo celiyay. Ilo wareedyo…

Read More

Kooxo hubeysan ayaa gudaha dalka Koonfurta Suudaan ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Sheekh Aadam, sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa. Marxuumka oo ka shaqeynayay darawalnimo ayaa la sheegay in kooxaha hubeysan ay ka dejiyeen gaari uu saarnaa, kaddibna maalmo kadib la xaqiijiyay in la dilay. Wararka laga helayo qoyska marxuumka ayaa tilmaamaya in illaa iyo hadda aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka. Qaar kamid ah ehelka Maxamed Cali Sheekh Aadam ayaa warbaahinta u sheegay inay si weyn uga naxeen falkaasi, ayna ka war sugayaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada iyo cidda…

Read More

Madaxweynaha Jubaland, Ahmed Madoobe, ayaa si rasmi ah ugu yeeray xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku metela deegaanada Jubaland in ay ka soo qaybgalaan kulan wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Kismaayo. Warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubaland ayaa lagu caddeeyay in kulankan uu yahay mid looga arrinsanayo xaaladaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Kulanka ayaa la qorsheeyay inuu qabsoomo 2-da Maarso 2026 oo Beri ah, iyadoo lagu wado in xildhibaanadu talooyin iyo aragtiyo mideysan ka dhiibtaan marxaladda siyaasadeed ee dalka. Dhanka kale, xildhibaanada Federaalka ee ku metela Puntland…

Read More