LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dacwad laga gudbiyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Buurhakaba

Xildhibaanada ka soo jeeda Buurhakaba ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa warqad rasmi ah u diray Guddoomiyaha Midowga Afrika, iyaga oo ka digay faragelin ay ku eedeeyeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Sector 3 ee howlgalka Midowga Afrika (AUSSOM).

Warqadda oo ku taariikheysan 27 Febraayo 2026, ayaa loo diray Guddoomiyaha Midowga Afrika, iyada oo nuqulna la gaarsiiyay Hoggaanka AUSSOM. Xildhibaanadu waxay muujiyeen walaac ku aaddan:

Xildhibaanadu waxay dalbadeen in:

  1. Dib-u-eegis lagu sameeyo howlgalka Sector 3 ee Buurhakaba.

  2. Si cad loo xaqiijiyo dhexdhexaadnimada ciidamada AU.

  3. La hubiyo ilaalinta shacabka iyo fududeynta gargaarka bani’aadamnimo.

  4. La taageero hannaan doorasho oo dastuur waafaqsan oo ka dhaca Koonfur Galbeed.

Warqadda waxaa saxiixay:

  • Xildhibaan Saadaad Mohamed Nur Aliyow

  • Xildhibaan Fowsio Mohamed Sheikh

  • Xildhibaan Mohamed Ali Hassan

Xildhibaanadu waxay sheegeen in ujeeddadoodu tahay ilaalinta dhexdhexaadnimada howlgalka Midowga Afrika iyo xoojinta kalsoonida shacabka Buurhakaba.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *