Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Degaanka Qansaxle oo hoostaga degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa waxaa aroornimadii maanta laga helay meydka haweeney lagu magacaabi jiray Xaali, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskeeda. Wararka ayaa sheegaya in gabadha is daldashay, iyadoo xarig iska soo laad-laadisay, looguna galay meydkeeda qolkii ay ku sugneyd. Qaar ka mid ah eheladeeda ayaa sheegay in Xaali ay maalmihii u dambeeyay muujinaysay xaalad caafimaad iyo maskaxeed oo aan caadi ahayn. Waxay sheegeen in hadalkeedu is khilaafsanaa, isla markaana ay dareemaysay walwal iyo cabsi fara badan, taasoo walaac ku abuurtay qoyskeeda. Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay…
Dowladda Iran ayaa mar kale weerar ku qaaday qaar ka mid ah dalalka Khaliijka Carabta, iyadoo qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Dooxa iyo Abu Dhabi. Saraakiisha hawada ee waddamada Khaliijka ayaa shaaca ka qaaday in hawada waddamada ay maanta si ku-meel-gaar ah u xirantay, isla markaana diyaaraduhu ay si aad u yar uga gudbayaan hawada weerarada ka socda. Iyada oo la rumeysan yahay in Iran ay aaminsan tahay in dalalka Khaliijka Carabta ay Maraykanka ka taageereen weerarkii hore, falalka milatari ee cusub waxay muujinayaan in Tehran aysan u muuqan inay joojin doonto xiisadda ilaa ay gaarsiiso khasaare la taaban karo. Weerarkani…
Cummaan ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada militari ee ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran, iyadoo ka digtay in colaaddaasi ay sii ballaarin karto xiisadda gobolka. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cummaan ayaa lagu sheegay in ficilladan ay khatar ku yihiin xasilloonida Bariga Dhexe, isla markaana ay keeni karaan cawaaqib halis ah. Cummaan waxay ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo hawlgallada militari isla markaana khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal diblomaasiyadeed. Cummaan ayaa sidoo kale ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu qabto kulan degdeg ah si loo hirgeliyo xabbad joojin, iyadoo ku boorrisay dhinacyada inay muujiyaan…
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor intii aysan kicin diyaaraddii siday wafdiga Madaxweynaha Puntland ee shalay ku wajahnaa magaalada Garowe, uu khadka taleefoonka kula soo xiriiray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni. Sida ay ilo xog-ogaal ah u xaqiijiyeen, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday Deni in isaga iyo xildhibaannada la socday ay muddo kooban yimaadaan Villa Soomaaliya si loo yeesho wada-hadal degdeg ah oo la xiriira arrimo siyaasadeed oo taagan. Wararku waxay intaas ku darayaan in Madaxweyne Xasan uu yiri, “Saciidow, wax kasta waa ka heshiin karnaa ee aan muddo…
Waxaa la xaqiijiyay geerida xoghayihii Golaha Difaaca Qaranka ee Iiraan, Cali Shamkhani, iyo taliyihii guud ee ciidanka Iiraan, Jeneraal Maxamed Baakboor, kaddib weerarro la sheegay inay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil gudaha Iiraan. Sida ay werisay Al Jazeera, labada mas’uul ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu awoodda badan nidaamka Iiraan, iyagoo door muhiim ah ku lahaa siyaasadda amniga iyo hoggaanka milateriga dalka. Wararka ayaa sheegaya in weerarradu ay ka dhaceen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Iiraan, inkasta oo faahfaahin dheeraad ah laga sugayo ilo rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha iyo saamaynta ay dhacdadani ku yeelatay xaaladda amni ee gobolka. Ilaa hadda,…
Ciidamada ammaanka ee Degmada Marka, xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa xalay gacanta ku dhigay miino la doonayay in lagu waxyeelleeyo amniga magaalada. Wararka laga helayo saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in miinadan lagu qabtay nin lagu magacaabo Yuusuf Jeeri, kaasoo la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee ka howlgala Magaalada Marka. Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha ammaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ninkan uu qorsheynayay in miinadaasi ku beegsado saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ee ku sugan Magaalada Marka. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in arrintan ay layaab ku noqotay, maadaama eedeysanuhu uu ka mid ahaa laamaha ammaanka. Ciidamada ayaa sidoo kale xaqiijiyay…
Kumanaan qof oo Iiraaniyiin ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee caasimadda Tehran, iyagoo ka barooranaya dilka hoggaamiyaha sare ee dalka Iiraan, Ali Khamenei. Bannaanbaxa oo ahaa mid si weyn loo abaabulay ayaa lagu qabtay fagaarayaal kala duwan oo ku yaalla magaalada, iyadoo dadku ay siteen calamo iyo boorar ay ku qoran yihiin erayo muujinaya murugo iyo caro. Goobaha muhiimka ah ee isu soo baxu ka dhacay waxaa ka mid ahaa fagaaraha caanka ah ee Azadi, halkaas oo dadweynuhu ay ku tukadeen salaad janaaso ah, isla markaana ay ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ay ku taageerayaan mabaa’diidii iyo hoggaankii marxuumka.…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u cambaaraysay weerarrada ay Iiraan ku qaaday dalal ka tirsan Khaliijka, sida uu ka sheegay Golaha Ammaanka ergeyga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) Danjire Abuukar Balle. Hadalkan ayaa laga jeediyay fadhi uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo looga hadlayay xaaladda amni ee Bariga Dhexe iyo xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Iiraan iyo dalalka gobolka. Ergeyga Soomaaliya ayaa sheegay in DFS ay si weyn uga walaacsan tahay saameynta colaadahaasi ku yeelan karaan nabadda iyo xasilloonida gobolka, isaga oo ku baaqay in: La ixtiraamo madaxbannaanida dalalka. La ilaaliyo sharciga caalamiga ah. Khilaafaadka…
Warsaxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Ilaalada Kacaanka Iiraan ee Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC) ayaa si kulul uga hadlay dilka loo geystay hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, iyada oo lagu ballanqaaday tallaabooyin adag oo jawaab celin ah. War-saxaafadeedka, oo uu baahiyay warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera, ayaa lagu sheegay in ciidamada Ilaalada Kacaanku ay “si xooggan oo go’aan leh uga aargudan doonaan kuwii ka dambeeyay dilka hoggaamiyaha.” IRGC waxay carrabka ku adkaysay in ciidamada ay sii wadi doonaan jidkii iyo mabda’ii hoggaamiyahooda, iyagoo muujiyay in aysan jiri doonin wax ka noqosho ah mowqifkooda ku aaddan…
Somaliland ayaa si kulul u cambaareysay weerarradii ugu dambeeyay ee ay Iiraan ku beegsatay dalalka walaalaha ah ee kala ah Imaaraadka Carabta, Dowladda Qatar, Dowladda Kuwait, Boqortooyada Baxrayn, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo Boqortooyada Urdun. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxay ku tilmaantay falalkan kuwo gardarro ah oo aan marmarsiiyo lahayn, kuwaas oo si toos ah u halis gelinaya nabadda, xasilloonida, iyo wada noolaanshaha gobolka. Somaliland waxay muujineysaa garab istaag buuxa iyo midnimo ay la leedahay dalalka walaalaha ah ee la weeraray, iyadoo adkeynaysa in fal kasta oo noocan oo kale ah uu dhaawac ku yahay dadaallada lagu…