Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Kumaandooska Danab Ururka 163-aad, Guutada 16-aad oo kaashanaya Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaannada Cadiimo iyo Dhaaye-Dhebe ee hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Howlgalkan oo ku saleysnaa xog sirdoon oo la helay ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay falal amni darro ah. Ciidamada ayaa ku guuleystay inay burburiyaan miinooyin iyo walxo qarxa oo lagu aasay waddooyinka, kuwaas oo lagu doonayay in lagu waxyeelleeyo shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinkaasi. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay si xirfad leh u xaqiijiyeen amniga goobihii laga fuliyay howlgalka, isla markaana…
Muwaadin Soomaaliyeed, Allah ha u naxariistee Daa’uud Ibrahim Muuse, ayaa xalay lagu dilay deegaanka Salem ee hoostaga magaalada Port Elizabeth, gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika. Sida ay wararku sheegayaan, koox hubeeysan ayaa weerar ku qaaday dukaanka uu marxuumku ku lahaa Salem xilli uu ku guda jiray howlahiisa shaqo. Kooxda hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen marxuumka, kadibna ay si degdeg ah uga baxsadeen goobta falka ka dhacay. Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo gaaray goobta uu falka ka dhacay ayaa bilaabay baaritaan la xiriira dilka loo geystay muwaadinka Soomaaliyeed. Booliska ayaa sheegay inay wadaan howlgallo lagu baadi-goobayo…
Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa maanta ka dhoofaya magaalada Muqdisho, kaddib markii uu fashil ku dhammaaday wadahadal ay la lahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa. Ilo ku dhow dhow dhinacyada wada hadlay ayaa sheegay in kulamadii u dhexeeyay labada dhinac aysan miro dhalin, iyadoo la isku mari waayay arrimo la xiriira wax ka baddalka dastuurka iyo habraacyada siyaasadeed ee socda. Shalay ayaa kulan ay Muqdisho kula yeesheen Golaha Mustaqbalka qeybaha kala duwan ee Bulshada ayay ku iclaamiyeen Shirweyne, kaas oo la sheegay in uu ka qabsoomayo Magaalada Garoowe bartamaha Bisha April ee sanadkan. Dhinaca…
Shir ay Hoggaanka Golaha Mustaqbalka Mucaaradka la leeyihiin qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa hadda ka socda gudaha magaalada Muqdisho. Shirkan oo loogu magac daray “Difaaca Dastuurka” ayaa waxaa ka qeybgalaya siyaasiyiin, waxgarad iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah. Intii uu socday kulanka, waxaa khudbado kala duwan jeediyay qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo si kulul u dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh. Mas’uuliyiinta Golaha ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu wax ka bedelay Dastuurkii ku meelgaarka ahaa ee heshiiska lagu ahaa, isla markaana uu ka leexday wadatashigii siyaasadeed ee lagu dhisi lahaa hannaan dowladeed oo loo dhan yahay. Shirkan…
Golaha Mustaqbalka mucaaradka ayaa lagu wadaa in maanta ay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay Shir la yeeshaan, iyaga oo la wadaagaya warbixin faahfaahsan oo ku saabsan wadahadalladii ay la yeesheen Villa Soomaaliya. Shirkan oo Golaha Mustaqbalka ugu magac daray “Difaaca Dastuurka” ayaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho, waxaana lagu casuumay qaar kamid ah waxgaradka, aqoonyahannada iyo qeybaha bulshada rayidka ah. Sida wararka hordhaca ah ay sheegayaan, xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa la filayaa inay caddeeyaan in wada-hadalladii ay la yeesheen Villa Soomaaliya aysan miro-dhal noqon, isla markaana ay dhinaca xukuumaddu diiday xal Soomaaliyeed oo ku dhisan wada-tashi, is-qancin iyo heshiis…
Maxaa kasoo baxay Kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Maanta la kulmay?
Waxaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubno ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Khaliif Cabdiqaadir Macalin Nuur iyo Cabduqaadir Cosoble Cali. Kulanka oo ka dhacay Villa Somalia ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha siyaasadeed ee cakiran, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashada iyo qaabka ay u dhici karto. Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay warbaahinteennu ayaa sheegaya in siyaasiyiinta kulanka ka qeybgalay ay Madaxweynaha u soo jeediyeen inuu dabac ka muujiyo qodobada muranka ka taagan yahay, si loo helo hannaan doorasho oo…
Dagaal xooggan oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay deegaanka Shidan oo hoostaga degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag. Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland iyo maleeshiyaad deegaanka ah. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in iska horimaadku uu qarxay saaka aroortii hore, islamarkaana uu socday muddo saacado ah, iyadoo la isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud. Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Amniga ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa lagu sheegay in abaare 8:30 subaxnimo ay “ciidamo ka amar qaata Somaliland” weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen dad deegaanka…
Kulan gaar ah ayaa maanta ka socda Xarunta Madaxtooyada Qaranka, kaas oo u dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Cabduqaadir Cosoble iyo Khaliif Cabduqaadir Macalin Nuur, kuwaas oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka. Kulankan oo lagu tilmaamay mid ehelnimo ah ayaa waxaa la sheegaya in musharixiinta mucaaradka ay Madaxweynaha kala hadleen arrimaha la xiriira qabashada doorasho heshiis lagu yahay, xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay nooca doorasho ee dalka u jihaysan yahay. Kulankan ayaa imaanaya kaddib markii ay fashilmeen wada-hadallo hore…
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal uu dhawaan ku qoray Jeune Afrique si cad uga hadlay arrimaha ku saabsan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo midnimada Soomaaliya. Geelle ayaa sheegay in ujeedada Israa’iil ay tahay in ay ka faa’iideysato dhulka Somaliland iyadoo wadata ujeedo aan nabad ahayn, wuxuuna tilmaamay in maamulka Somaliland uu diyaar u yahay in uu wax walba siiyo Netanyahu si uu u helo aqoonsigaas. Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ka digay saldhig milatari oo ay Israa’iil ka samaysatay Berbera, isagoo sheegay in taasi ay tahay arrinta ugu…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta soo gaaraya magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kulan wadatashi ah kula yeelan doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in labada mas’uul ay si gaar ah uga wada hadli doonaan hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah, gaar ahaan doorka Dowlad Goboleedyada ku leeyihiin geeddi-socodkaas. Xogaha hordhaca ah waxay sheegayaan in Laftagareen uu ogol yahay qabashada doorashada Gollaha Deegaanka, balse uu weli ka biyo diidan yahay in doorashada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka ay maamulaan guddiyo uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya. Arrintan ayaa…