Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Sheekh Shariif & Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Afka furtay Eedeena u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa booqasho ugu tegay xildhibaanadii laga hor istaagay inay u safraan magaalada Garoowe, halkaas oo ay ka jeediyeen hadallo ay ku dhaliileen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Sheekh Shariif oo hadalka furay ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh loo doortay inuu dalka hoggaamiyo, balse aan loo igman in uu jebiyo sharciga iyo dastuurka dalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta sharciga iyo nidaamka federaalka ay tahay waajib saaran madaxda sare ee dowladda, isaga oo tilmaamay in tallaabooyinka lagu joojiyay xildhibaanada ay abuuri karaan xiisad siyaasadeed oo hor leh.…
Wakiillo ka socday Beesha Caalamka ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Madoobe, iyagoo kala hadlay arrimo la xiriira wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee dalka. Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in wakiillada caalamiga ah ay muujiyeen walaac ay ka qabaan go’aannada hal dhinac ah ee wax looga beddelayo Dastuurka, kuwaas oo ay sheegeen in ay keeni karaan kala fogaansho iyo xasarad siyaasadeed. Beesha Caalamka ayaa xustay in loo baahan yahay in hoggaanka Baarlamaanka uu qaato doorkiisa mas’uuliyadeed, isla markaana laga shaqeeyo mideynta dhinacyada siyaasadeed ee dalka, halkii laga abuuri lahaa kala…
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Senator Maxamed Cismaan Majiino, oo laba maalin ka hor Garowe u raacay Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, uu dib ugu soo laabtay Muqdisho, isla markaana uu hadda ku sugan yahay Villa Soomaaliya, halkaas oo uu shir kula leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in Senator Majiino uu ka soo ambabaxay Garowe isaga oo gaari raacay, kadibna tegay Gaalkacyo, halkaasna uu diyaarad uga soo duulay kuna soo gaaray Muqdisho si nabad ah. Imaatinka Senator Majiino ee Villa Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda federaalka ay dadaal xooggan ugu jirto…
Sida ilo wareedyo rasmi ah aan ka helnay, xildhibaannada beelaha Digil iyo Mirifle ee ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa si cad uga soo horjeestay hindisaha wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka. Qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa xaqiijiyay in aysan qayb ka noqon doonin wax ka beddel aan lagu wada heshiin, iyagoo sheegay in dastuurku yahay heshiis qaran oo u baahan wadatashi iyo oggolaansho guud. Waxay carrabka ku adkeeyeen in aysan ka qayb geli doonin arrin aysan Soomaalidu si wadajir ah ugu heshiin. Xildhibaannadan, oo isugu jira mucaarad iyo muxaafid,…
Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ku xayiran Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland. Xildhibaannadan ayaa shalay laga soo celiyay magaalada Garoowe, iyagoo doonayay inay u safraan halkaas, hase yeeshee maanta ayaa markale lagu wargeliyay in aysan ka dhoofi karin Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International Airport. Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in Xildhibaanada loo sheegay ka hor bixitaankooda in ay fasax rasmi ah ka soo helaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale, Senatarada Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay in safarkooda uu ku xiranyahay fasax ay ka helaan Guddoonka Aqalka…
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), oo kaashanaya Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM gaar ahaan kuwa Uganda, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta deegaanada Mubaarak iyo Daarusalaam ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan oo qayb ka ah howlgalada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa lagu qaaday deegaannadaas saacadihii hore ee saaka, waxaana la sheegay in ciidamada huwanta ay si buuxda ula wareegeen fariisimihii ay ku sugnaayeen kooxaha nabad-diidka ah. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalku u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu guuleystay in maleeshiyaadkii halkaas ku sugnaa laga saaro deegaanadaasi, iyadoo…
Puntland ayaa si kulul uga hadashay, isla markaana warsaxaafadeed kasoo saartay tallaabadii dowladda Soomaaliya ay hawada uga celisay diyaaradii siday Xildhibaannada ee ku wajahneyd Garoowe. Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu Eedeeyay in falkaas uu ka dambeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale Puntland waxaa ay sheegtay inay Madaxweyne Xasan Sheekh kula xisaabtami doonto tallaabooyinka guracan ee uu qaadayo, kuwaas oo markii labaad halis lagu geliyay nafta muwaadiniin Reer Puntland. Warsaxaafadeedka ayaa loogu baaqay Beesha Caalamka inay soo faro geliyaan tallaabooyinka qaldan oo ay qaadayaan Madaxda Dowladda Soomaaliya. Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Puntland.
Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Iran ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Erbil, sida ay werisay Kurdistan24. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in jugta qaraxyo culus laga maqlay gudaha iyo hareeraha garoonka, iyadoo cirka lagu arkayay holac iyo uuro isku shareeray daqiiqado kaddib weerarka. Dadka deggan xaafadaha ku dhow garoonka ayaa sheegay inay si cad u maqleen qaraxyada, taasoo cabsi gelisay shacabka. Ilo amni oo ku sugan Erbil ayaa tilmaamay in weerarku bartilmaameedsaday qaybta milatari ee ku dhex taalla garoonka diyaaradaha, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa isbahaysiga…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, iyagoo ka wada hadlay xaaladda amni ee gobolka iyo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal. Intii uu socday wadahadalka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u muujiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Qatar. Madaxweynaha ayaa xusay in weerar kasta oo lagu qaado dhulka Qatar uu yahay mid si toos ah uga hor imaanaya sharciga caalamiga ah, isla markaana aan la aqbali karin. Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya…
Shacabka u safri lahaa magaalada Garowe ee ka ambabaxaya Muqdisho ayaa lagu wargeliyey in shirkadaha duulimaadyadu ay joojiyeen safarada u dhexeeya labada magaalo, arrin dhalisay walaac iyo su’aalo ku saabsan sababta keentay arrintaan. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay la xiriirto xanibaad lagu soo rogay Garoonka Garowe, taas oo lagu sheegay inay ka timid madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS). Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in arrintan lagu micneeyey sugitaanka ilaa maalinta Arbacada, xilli la filayo in la ansixiyo dastuurka, isla markaana madaxweynaha uu isla habeenkaas ku qabto munaasabadda saxiixa dastuurka, laguna soo gabagabeynayo kalfadhiga Baarlamaanka. Dad badan oo…