Author: Banaadir24 Editor

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha, laguna afduubtay xeebaha Puntland ee Soomaaliya, si nabad ah loo soo badbaadiyay 2-da Maarso. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in markabka iyo dhammaan shaqaalihiisa ay bad qabaan, kaddib dadaallo wadajir ah oo ay sameeyeen dhinacyada kala duwan ee arrinta ku lugta lahaa. War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in markabka lagu afduubtay biyaha u dhow Puntland, hase yeeshee dadaallo degdeg ah iyo wadashaqeyn dhexmartay hay’adaha ay khuseyso ay suurageliyeen in si nabad ah lagu soo furto. Dowladda Shiinaha ayaa si…

Read More

Qarax ayaa maanta ka dhacay xaafadda Buula Xuubeey oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir., waxaana la sheegay in qaraxa oo ahaa miino lagu dhejiyay gaari nooca raaxada ah (Saruf), taas oo ku qaraxday gudaha xaafadda. Jugta qaraxa ayaa laga maqlay meelo kamid ah magaalada Muqdisho, taas oo cabsi ku abuurtay dadka ku nool agagaarka goobta uu falka ka dhacay. Wararka la helay ayaa sheegaya in Sarkaal katirsan Ciidanka NISA Gaarigiisa qarax loogu xiray, waxaana gaaray dhaawac qeybaha dambe ee jirkiisa ah, sida ay sheegeen Dad Goobjoogayaal ah oo Warbaahinta la hadlay. Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka…

Read More

Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada kursigii uu baneeyay Senator Cisman Abuukar Dubbe, kaddib markii uu dib ugu laabtay deegaannadiisa Somaliland, iskana casilay Kursiga. Kulamo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa la sheegay in go’aan looga gaaray habka loo buuxinayo kursigaas. Kulamadaasi waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo diiradda lagu saaray dardargelinta buuxinta kuraasta bannaan ee Aqalka Sare. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in kursiga la dooran doono loo asteeyay Cabdiraxmaan Barre. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dadaalka kursigan lagu doonayo uu hormuud ka yahay Senator Saciid Cawke…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa ku boorrisay muwaadiniinteeda ku sugan dalal ka tirsan Bariga Dhexe inay si degdeg ah uga baxaan ama ugu yaraan muujiyaan feejignaan dheeraad ah, kaddib digniino amni oo la xiriira xiisado sii kordhaya iyo khataro suurtagal ah. Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in xaaladda amni ee gobolka ay tahay mid is bedbeddelaysa, islamarkaana laga cabsi qabo weerarro ama rabshado ka dhasha xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa militari. Liiska dalalka ay digniintu si gaar ah u saameyneyso waxaa kamid ah: Sacuudi Carabiya Imaaraadka Carabta Qadar Israa’iil Iyo dalal kale oo ku yaalla gobolka…

Read More

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada AUSSOM kaddib markii ay xoreeyeen deegaannada Daarusalaam iyo Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan wadajirka ah, oo lala fuliyay saaxiibada caalamiga ah, ayaa lagu soo afjaray qabashada iyo sugidda laba goobood oo istaraatiiji ah kuwaas oo muddo dheer u ahaa saldhigyo iyo goobo ay ku dhuuntaan maleeshiyada Al-Shabaab. Danjire Diene ayaa bogaadiyay geesinimada, xirfadda iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa AUSSOM intii uu socday…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula yeeshay wada-hadal miro-dhal ah Dhaxal-sugaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwayt, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax, iyagoo ka wadahadlay xaaladaha cakiran ee ka taagan gobolka. Madaxweynaha ayaa muujiyey garab-istaagga iyo taageerada buuxda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay la garab taagan tahay hoggaanka iyo shacabka Kuwayt, kuwaas oo la kulmay weerarro iyo xadgudubyo uga yimid dowladda Iiraan. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in ballaarinta colaadaha gobolka ay halis weyn ku tahay nabadda, xasilloonida iyo amniga guud ee dalalka dariska iyo guud ahaan Bariga Dhexe. Madaxweynaha ayaa…

Read More

Wararka naga soo gaaraya Degmada Dayniile ayaa sheegaya in maanta carro tuur la dhigay qaybo ka mid ah jidka Warshadaha, gaar ahaan inta u dhexeysa Aargada Dayniile iyo dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Dadka deegaanka ayaa sheegay in tallaabadan ay si weyn u saameysay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee aaggaas, iyadoo jidka Warshadaha uu ka mid yahay waddooyinka muhiimka ah ee isku xira xaafado badan oo ku yaalla galbeedka Muqdisho. Sidoo kale, maalmo ka hor ayaa la sheegay in dhagxaan lagu xiray aargada ku taalla dhinaca ex Koontorool Afgooye, taasoo keentay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyo isu socodka…

Read More

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa shir guddoomiyey Shirka Wadatashiga Puntland iyo Mudanayaasha Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Shirkaasi ayaa ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe, iyadoo qaar ka mid ah mudaneyaasha ay uga soo qayb galeen habka fogaan-aragga (online). Shirka wadatashiga ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira wax ka bedelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Federaalka.Puntland iyo mudaneyaasha ku metela Baarlamaanka Federaalka ayaa si wadajir ah u soo saaray mowqif cad oo ay kaga soo horjeedaan wax ka bedelka ay ku tilmaameen mid…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa laga waayay liiska madaxda ay Dowladda Qatar uga mahadcelisay garab istaagga ay muujiyeen kaddib xiisaddii amni ee ka dhalatay weerarrada uu Iiraan ku qaaday dalalka gobolka. Arrintan ayaa timid maalin kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu shaaca ka qaaday inuu si buuxda u garab taagan yahay Dowladda Qatar, isagoo sheegay in uu khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka dalkaas, Tamim bin Hamad Al Thani. Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay la dareemayso walaaca iyo dhibaatada ka dhalatay duqeymaha ay geysatay Iiraan. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wada hadalka Madaxweynaha…

Read More

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Hantiwadaag oo hoostaga Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay nin lagu tilmaamay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday xarunta Godka Jilacow. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ninka la dilay uu adeegsan jiray magacyo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Kamaaludiin Yuunis Maxamed, Saalim Nuur Sheekh Cabdiraxiim, Caraale iyo Cabdullaahi Xasan Cali. Hay’addu waxay sheegtay in ninkan uu ahaa hagaha shabakaddii fulisay weerarro dhowr ah oo waaweyn, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:…

Read More