Author: Banaadir24 Editor

Puntland ayaa si kulul u cambaareysay weerar saaka aroornimadii hore (03:00am) lagu qaaday xildhibaannada iyo senatarada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku sugnaa Hotel Airport ee magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hotelka u daateen, halkaas oo ay ku sugnaayeen mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Federaalka. Puntland waxay ku eedeysay dowladda federaalka inay halkaasi ka geysteen jirdil iyo falal ay ku tilmaantay afduub. Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay in la afduubtay La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee Arrimaha Bulshada, Mudane Axmed Cabdi Hurre, xilli uu ku…

Read More

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta la filayaa in ay yeeshaan fadhi wadajir ah oo ay ku ansixinayaan 13 qodob oo kamid ah Dastuurka Kumeelgaarka ah, kuwaas oo wax ka beddel lagu sameeyay toddobaadyadii la soo dhaafay. Xildhibaannada labada Aqal ayaa muddo ka doodayay qodobadan la beddelay, iyada oo doodahaasi ay hareeyeen muran siyaasadeed iyo kala aragti duwanaansho xooggan. Siyaasiyiinta mucaaradka, oo ay kamid yihiin madaxda Puntland iyo Jubbaland, ayaa si cad uga soo horjeestay wax ka beddelka dastuurka, iyaga oo ku tilmaamay mid aan loo marin hannaan wadatashi iyo is-afgarad qaran. Xaaladda ammaanka iyo tan siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho…

Read More

Ceynanshe Yuusuf Xuseen, Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya sidoo kalena ah Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in uu si rasmi ah isaga casilay xilka. Xildhibaanka oo laga soo doorto deegaannada Puntland ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee keentay iscasilaaddiisa ay tahay xayiraadda la saaray xildhibaannada laga soo doorto Puntland, kuwaas oo loo diiday inay u safraan magaalada Garoowe. Mudane Ceynanshe ayaa sidoo kale xusay in wax ka beddelka lagu sameynayo Dastuurka Federaalka uu yahay mid aan lagu saleyn heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay qayb ka tahay…

Read More

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Jubaland ayaa ku dhawaaqay mowqif rasmi ah oo ay ku diidan yihiin wax-ka-beddelka Dastuurka Federaalka. Kadib kulan wadatashi ah oo ay ku yeesheen magaalada Kismaayo, oo ay la qaateen Madaxweynaha Jubaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, xildhibaannadu waxay sheegeen in habka loo maray wax-ka-beddelka Dastuurka uu yahay mid sharci-darro ah oo baalmarsan habraacyadii dastuuriga ahaa. Waxay caddeeyeen in Dastuurka KMG ah ee 2012 uu yahay kan kaliya ee sharci ahaan dalka u yaalla, ilaa si waafaqsan habraacyadiisa wax looga beddelo. Sidoo kale waxay sheegeen in wixii ka soo…

Read More

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir guddoomiyay kulan wadajir ah oo ay yeesheen Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland iyo Golaha Xukuumadda Jubaland. Kulanka ayaa si qoto dheer loogu lafaguray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, gaar ahaan geeddi-socodka halka dhinac ah ee wax looga beddelayo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa. Madaxweynaha iyo masuuliyiintii ka qaybgalay kulanka ayaa isla falanqeeyay saameynta ay tallaabooyinkaas ku yeelan karaan nidaamka federaalka iyo wadajirka dalka. Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-tashiga iyo midnimada mowqifka Jubaland ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah…

Read More

Hooyo Soomaaliyeed ayaa ku geeriyootay, halka tiro kale oo dad ah ay ku dhaawacmeen dab xooggan oo maanta ka kacay Suuqa Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dabkan oo la sheegay inuu si degdeg ah ku fiday ayaa qaatay waqti dheer in la xakameeyo, iyadoo uu sababay khasaaro hantiyadeed oo baahsan. Goob-joogayaal ayaa sheegay in ololka iyo qiiqa cirka isku shareeray ay cabsi gelisay ganacsatada iyo shacabka ku sugnaa halkaas. Ganacsato badan oo Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay ku waayeen hantidoodii dabkan, iyagoo qaarkood ahaa dad si weyn ugu tiirsanaa ganacsiyada ku yaallay suuqa. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya…

Read More

Puntland ayaa soo saartay warmurtiyeed rasmi ah oo kasoo baxay Shirkii Wadatashiga ee ka qabsoomay magaalada Garoowe, kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxda Sare ee Puntland iyo xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metela Puntland. Shirka oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira wax ka beddelka Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya. Qodobada Muhiimka ah ee Warmurtiyeedka Warmurtiyeedka ayaa si cad u sheegay in Puntland ay walaac xooggan ka qabto hannaanka loo marayo wax ka beddelka Dastuurka, iyadoo ku tilmaamtay…

Read More

Guddoonka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maalinta berri oo Arbaco ah la qabanayo kulan wadajir ah oo ay yeelanayaan Labada Aqal ee Baarlamaanka, kaas oo ajandihiisu yahay marxaladda 3aad ee dib u eegista Dastuurka KMG ah. Kulankan oo ka dhici doona xarunta Villa Hargeysa ayaa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa ansixinta Cutubyada 4aad ilaa 13aad ee Dastuurka, kuwaas oo qeyb ka ah geeddi-socodka dhammeystirka dib u eegista dastuurka dalka. Qorshahan ayaa durba dhaliyay dood siyaasadeed, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaannada laga soo doorto Puntland iyo Jubaland ay si cad uga soo horjeesteen, isla markaana maamuladaasi…

Read More

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya Ciidamada Deegaanka ayaa maanta fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Moqokori iyo Deegaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan. Howlgalkan oo si xeel-dheer loo agaasimay ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay isku dayayeen in ay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan deegaanka Yasooman. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidamada ay heleen xog sugan oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa kooxda, taas oo keentay in si deg-deg ah loo qorsheeyo howlgalka. Ciidamada ayaa jid-gooyo u dhigay maleeshiyaadka meel u dhow Yasooman, halkaas oo uu ka dhacay…

Read More

Warar hoose oo laga helay qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegaya in si hoose loo xaliyey tabashooyinkii ay ka qabeen geeddi-socodka wax ka beddelka Dastuurka Federaalka. Xildhibaanadan oo hore u muujiyey walaac ku saabsan habka iyo qodobada lagu wado wax ka beddelka, ayaa la sheegay inay kulamo gaar ah la yeesheen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka. Ilo wareedyo ku dhow dhow kulamadaas ayaa xaqiijiyey in dood iyo wada-xaajood kadib la gaaray is-afgarad, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin waxa lagu qanciyey…

Read More