Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Xiisadda amni ee ka taagan Bariga Dhexe ayaa sii xoogeysatay kaddib markii Iran ay maanta markale sii wadday duqeymo la sheegay inay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla dalalka Khaliijka. Wararka ka imanaya gobolka ayaa sheegaya in dhawaaqyo qaraxyo ah laga maqlay magaalada Doha ee dalka Qatar iyo sidoo kale gudaha dalka Baxreyn, taas oo sare u qaadday walaaca amni ee ka jira mandiqadda. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Iran oo ku sugan Tehran ayaa sheegay in bartilmaameedka duqeymaha ay yihiin saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla dalalka Carabta, iyagoo ku andacoonaya in weerarradaasi ay qayb ka yihiin jawaab…
Siyaasiyiinta kala ah Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa si wadajir ah u bogaadiyey ansaxinta dhammeystirka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qoraal bayaan wadajir ah oo ay ka soo saareen magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen in tallaabadan ay tahay mid muhiim u ah xoojinta nidaamka dowladnimo iyo hirgelinta hannaan dimuqraadi ah oo ku dhisan sharci iyo isla xisaabtan. Siyaasiyiintan ayaa tilmaamay in isbeddellada lagu sameeyey Dastuurka ay si gaar ah u xoojinayaan qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: In nidaamka dowladnimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa lagu wadaa inuu berri afur u sameeyo dhammaan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa qoraal casuumaad rasmi ah u diray Xildhibaannada labada Aqal, iyaga oo lagu wargeliyay in ay ka soo qeybgalaan munaasabadda afurka oo ka dhici doonta xarunta Madaxtooyada. Wararka ayaa tilmaamaya in kulanka la filayo inay ka soo qeybgalaan inta badan Xildhibaannadii dhowaan ansixiyay wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira Xildhibaano mucaarad ah oo ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo helay farriinta casuumaadda, haddana aan la fileyn inay ka qeybgalaan kulanka.…
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dawladda Hoose ee Muqdisho ayaa si buuxda u soo dhaweeyay go’aanka taariikhiga ah ee ay Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliyaku ansixiyeen Dastuurka Dalka oo muddo dheer ku soo jiray geeddi-socod qabyo-tir ah. Waxaan si gaar ah ugu hambaliyaynaynaa bulshda ku dhaqan Caasimadda Muqdisho oo Dastuurku uu u caddeeyay maqaam maamul iyo matalaad siyayasadeed oo ay muddo dheer baadigoobayeen. Waa billow guul ah, waxaana rajayanaynaa in ay noo horseedi doonto guulo isdabajoog ah oo qaranku uuu si wadajir ah u gaaro ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Maamulka. Waxaan u mahadnaqaynaa Guddoonka Labada Aqal iyo Xildhibaannada…
Xildhibaanadii ku xayirnaa Hotel Airport ee magaalada Muqdisho lagana soo doorto Puntland ayaa loo ogolaaday inay safri karaan, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo ilo kala duwan oo ku dhow dhow Xukuumadda Federaalka. Wararka ayaa tilmaamaya in go’aankan uu yimid kadib markii maanta si rasmi ah loo meel mariyay wax ka beddelka dastuurka, iyada oo dhinacyada mucaaradka diidan yihiin. Xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay in xildhibaanada hadda ay xor u yihiin inay safraan wakhti kasta oo ay doonaan, isla markaana aanay jirin wax xayiraad ah oo ka hor istaagaya dhaqdhaqaaqooda. Ilo wareedyo ayaa sidoo…
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo xalay weeraray Airport Hoteel kadibna la baxay Axmed Cabdi Hurre oo ah La-taliyaha Siciid Deni ayaa ugu danbeyntii Galabta lasoo daayay. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Xildhibaan Cali Xoosh oo Reer Puntland ah ayaa hotelkii kaga soo watay geeyay La-taliyaha, isaga oo ku wareejiyay Xildhibaannada Puntland ee halkaasi degan. War goor hore xarigiisa ay kasoo saareen Booliska ayay ku sheegeen in Axmed Cabdi Hurre uu galay dambi la xiriira falal lidi ku ah amniga, balse Maxkamad la’aan la siidaayay. Booliiska Soomaaliyeed ayaa la sheegayaa in ay si muuqata ugu dhex milmeen arrimaha Siyaasadda iyo Khilaafaadka Doorashadda ee…
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah ayaa si rasmi ah uga soo horjeestay wax-ka-beddelka lagu sameeyay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay mid aan loo marin habraac sharci ah oo waafaqsan qodobada dastuuriga ah. Warsaxaafadeed ay soo saareen goluhu ayaa lagu sheegay in wax-ka-beddelka la sameeyay uusan marin hannaan sharciyeed cad, isla markaana aan la helin aqlabiyaddii dastuurku farayay, gaar ahaan labada meelood meel (2/3) ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxay caddeeyeen in ay weli u aqoonsan yihiin Dastuur rasmi ah kii la ansixiyay sanadkii 2012-kii, iyagoo ku dooday in…
Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa, iyagoo si rasmi ah u ansixiyay cutubyada 5aad ilaa 15aad ee wax-ka-beddelka lagu sameeyay Dastuurka. Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu shaaciyay in 186 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 37 xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Sare — mid kamid ahna uu ku codeeyay hab online ah ay oggolaadeen wax-ka-beddelka Dastuurka. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in tiradaasi ay ka dhigan tahay in wax-ka-beddelku uu si sharci ah ku ansaxay. Xildhibaannada ayaa si wadajir ah ugu codeeyay wax-ka-beddelka lagu sameeyay qodobada 5aad ilaa…
Kadib markii xalay ciidamo katirsan kuwa Booliska ee Soomaaliya ay weerareen Hotelka Airport ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay deganaayeen xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka gaar ahaan kuwa laga soo doorto Puntland, ayaa la sheegay in amnigooda ay la wareegeen ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM. Arrintan ayaa waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay qaar kamid ah xildhibaannada deganaa hotelka, kuwaas oo sheegay inay iyagu codsadeen in la ilaaliyo kadib markii ay dareemeen cabsi amni. Xildhibaanadu waxay sheegeen in weerarka iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Booliska ay abuureen xaalad walaac leh, taasoo ku kaliftay inay gargaar amni dalbadaan. Sidoo kale, xildhibaanada…
Maamulka Jubbaland ayaa si cad uga soo horjeestay wax-ka-beddelka lagu sameeyay qodobo ka mid ah Dastuurka Federaalka Soomaaliya, kaas oo la qorsheynayo in maanta ay ansixiyaan Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in wax-ka-beddelka la wado uusan ahayn mid loo maray hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeelgaarka ah, isla markaana aan laga talo gelin Dowlad Goboleedyada dalka. Qoraalka ayaa lagu xusay in Jubbaland aysan aqoonsan doonin wax kasta oo ka dhasha wax-ka-beddelkaas, maadaama, sida ay sheegeen, uusan ku imaan wada-tashi iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay. “Dastuurka waa heshiis qaran…