Howlgal Culus oo Ka Dhacay Shabeellaha Dhexe, Ciidanka Dowladda oo Qabsaday Deegaan Muhiim Ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ay dib ugu qabsadeen deegaanka Sumadaale ee hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay muddo fariisimo ku lahaayeen kooxda Khawaarijta.
Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada, howlgalka ayaa lagu guuleystay in Khawaarijta laga saaro godadkii iyo fariisimihii ay ku dhuumaaleysanayeen, iyadoo la sheegay in maleeshiyaadka ay goobta uga baxsadeen cadaadis xooggan oo uga yimid ciidamada dowladda.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay weli sii wadaan baacsiga horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadkii ka firxaday deegaanka, si looga hortago isku day kasta oo ay kooxda dib ugu soo laaban karto.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada milatari ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ujeeddadoodu tahay ciribtirka kooxda Khawaarijta iyo dib u xaqiijinta amniga deegaannada ay hore uga howlgelayeen.
Ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca Khawaarijta oo ku saabsan sheegashada dowladda ee la xiriirta dib ula wareegidda deegaanka Sumadaale.









