LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Akhriso Magacyada: Al-Shabaab oo Goob Fagaaro ah ku toogtay Lix Ruux

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay fagaaro ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ku toogatay lix ruux oo ay ku eedeysay inay la shaqeynayeen sirdoonnada dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo Itoobiya.

Goobta toogashada ayaa waxaa lagu soo ururiyay boqolaal qof oo shacab ah, kuwaas oo lagu qasbay inay goob joog ka noqdaan fulinta dilalkaasi. Sida ay sheegeen Al-Shabaab, dadka la toogtay ayaa lagu helay dambiyo la xiriira la shaqeynta hay’adaha sirdoonka.

Magacyada dadka la toogtay ayaa lagu kala sheegay:

  1. Cabeey Madyarow Cusmaan, 46 jir
  2. Aadan Daahir Macalin Maxamed, 28 jir
  3. Cabdullaahi Maxamed Xasan, 35 jir
  4. Cabduqaadir Xasan Xuseen (Qooley), 45 jir
  5. Mowliid Cabdullaahi Cabdow, 39 jir
  6. Muqtaar Sheekh Ibraahim Cumar, 43 jir

Dilalkan ayaa qeyb ka ah falal isdaba joog ah oo ay Al-Shabaab ku kordhisay bilihii la soo dhaafay, kuwaas oo lagu beegsanayo dadka ay ku tuhmaan inay la shaqeynayaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha taageera.

Illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan dhacdadan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *