LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Akhriso Magacyada: Al-Shabaab oo Fagaaro ku toogtay Sagaal Ruux

Kooxda Al-Shabaab ayaa laba goobood oo fagaarayaal ah ku kala toogtay sagaal nin, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen sirdoonno kala duwan oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Toogashooyinkan ayaa ka kala dhacay gobollada Jubbada Dhexe iyo Baay, halkaas oo boqolaal qof oo rayid ah si qasab ah loogu soo uruuriyay inay daawadaan fulinta xukunka dilka ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in raggan ay ka dambeeyeen xogaha horseeday duqeymo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda, waxaana Magacyada Ragga la toogtay lagu kala sheegay.

  1. Maxamed Aadan Gaabow (38 jir)
  2. Maxamed Xasan Colaad (33 jir)
  3. Muscab Cusmaan Cabdi (25 jir)
  4. Siidii Xasan Meykeeri (30 jir)
  5. Xasan Aadan Maadeey (32 jir)
  6. Caliyow Nuurow Ibraahim (35 jir)
  7. Maxamed Yuusuf Warsame (38 jir)
  8. Saciid Ooyow Aadan (49 jir)
  9. Muxudiin Maxamed Axmed (26 jir) 

Bilihii la soo dhaafay waxaa sii kordhayay falalka dilalka ah ee ay Al-Shabaab u geysaneyso dadka ay ku eedeyso inay basaasiin u yihiin dowladda Soomaaliya iyo dalalka taageera, iyada oo Dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadlin dilalkaas ay geystaan Al-Shabaab.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *