LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Agaasimihii hore ee NISA oo ka hadlay khilaafka Villa Somalia & Galmudug

Waxaa cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug kadib markii la isku qabtay magacaabista iyo xil ka qaadista Taliyaha Booliska Galmudug, arrin sii xoojisay hadallada siyaasadeed ee ku saabsan xiriirka labada dhinac.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), haddana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Farey, ayaa si adag uga hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan Galmudug iyo waxa uu ku tilmaamay “isku-dhufasho siyaasadeed” oo u dhexeysa madaxda Galmudug iyo madaxda Dowladda Federaalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in khilaafka sii xoogeysanaya uu halis gelin karo xasilloonida maamulka Galmudug, isaga oo tilmaamay in cawaaqibta ugu dambeysa ay noqon karto wiiqidda dowladnimada iyo kala dambeynta maamulkaasi.

“Isku-dhufashada Madaxda Galmudug iyo Madaxda Qaranka natiijadeedu waa duminta Galmudug, mana garanayo cidda faa’iido ugu jirto,” ayuu yiri Yaasiin Farey.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Taliyaha Booliska Soomaaliya uu la sheegay inuu xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska Galmudug islamarkaana magacaabay taliye cusub. Go’aankaas ayaa waxaa si degdeg ah uga horyimid Madaxweynaha Galmudug.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *