XOG GAAR AH: Xasan Sheekh oo Wajahaya Cadaadis Caalami ah oo Lagu Soo Afjarayo Khilaafka Doorashada

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa maanta mar kale fariin adag u gudbiyay Golaha Mustaqbalka, iyagoo ku adkeeyay in loo baahan yahay kulan toos ah oo dhexmara madaxda sare ee golaha iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si heshiis looga gaaro hannaanka doorashada dalka.
Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, kulankaasi ayaa la doonayaa in ay dhexdhexaadiyaan wakiillada caalamiga ah, kuwaas oo rumeysan in waqtigii khilaafka siyaasadeed uu gabaabsi yahay, isla markaana loo baahan yahay heshiis qaran oo lagu wajaho doorasho xor iyo xalaal ah.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in safiirrada dalalka reer galbeedka ay caddeeyeen in caasimadahooda ay ka imanayaan farriimo toos ah oo ku saabsan in aan dib dambe loo dhigi karin xalinta arrimaha doorashada Soomaaliya, iyadoo la doonayo in heshiis la gaaro ka hor bisha Sebtembar.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in mid ka mid ah safiirrada reer galbeedka uu soo jeediyay in haddii aan dhinacyadu muujin dabacsanaan, la qabto shir ballaaran oo lagu soo darayo madaxda dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, tallaabadaas oo la sheegay inay la mid tahay qodobkii muranka dhaliyay ee ka soo baxay shirkii Kampala, kaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh hore uga muujiyay walaac.
Xogaha hordhaca ah waxay intaa ku darayaan in safiirrada Mareykanka iyo Boqortooyada Midowday (UK) ay wadaan dadaallo lagu doonayo in miiska wada-hadallada la isugu keeno madaxda Puntland iyo Jubbaland, si loo jebiyo ismari-waaga siyaasadeed ee taagan. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in diblomaasiyiintu aaminsan yihiin in haddii aan xal degdeg ah la helin, Soomaaliya ay wajihi karto cawaaqib siyaasadeed iyo amni oo culus.
Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka ayaa lagu wadaa inuu caawa yeesho kulan gaar ah, kaas oo la filayo in lagu falanqeeyo farriimaha cusub ee ka yimid beesha caalamka iyo jihada wada-hadallada la qorsheynayo.









