LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

IGAD Oo Ku Baaqday In Amniga Soomaaliya Si Buuxda Loogu Wareejiyo Ciidanka Qaranka

Ku-xigeenka Xoghayaha Fulinta ee Urur-Goboleedka IGAD, Maxamed Cabdi Waare, ayaa ku baaqay in si heer sare ah la iskugu dubbarido wareejinta mas’uuliyadda amniga Soomaaliya, iyadoo ciidamada AUSSOM ay xilka si tartiib ah ugu wareejinayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waare oo war-saxaafadeed rasmi ah soo saaray kadib Shirkii Gaarka ahaa ee Dalalka Ciidamada Ku Deeqay AUSSOM, ayaa sheegay in guulaha laga gaaray Soomaaliya muddo ku dhow labaatan sano ay yihiin kuwo ay Afrika hormuud ka ahayd, isla markaana loo baahan yahay in hawlgalka lagu soo afjaro si sharaf leh.

“Ujeeddadu waa in amniga Soomaaliya lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed waqtiga ugu dhow, ciidamada AUSSOM-na ay dalkooda ugu laabtaan iyagoo ah geesiyaal lagu maamuuso, kana tagaya Soomaaliya iyagoo ku suntan sharaf iyo mahadnaq shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Waare.

Sidoo kale wuxuu beeniyay eedeymo sheegayay in hadalladiisu ay ahaayeen kuwo lagu wiiqayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in ujeeddadiisu ay tahay in laga hortago bixitaan degdeg ah oo aan qorsheysnayn, kaas oo halis gelin kara guulihii amniga.

Ware ayaa carrabka ku adkeeyay in la dagaallanka Al-Shabaab uusan ku ekaan karin awood ciidan oo keliya, balse loo baahan yahay dib-u-heshiisiin siyaasadeed, dhismaha hay’adaha dowladda, horumarinta adeegyada bulshada iyo wax ka qabashada sababaha dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed ee hurin kara xagjirnimada.

Mas’uulka IGAD ayaa ugu dambeyn sheegay in ururku uu sii wadi doono taageerada xalalka Afrika ay hormuudka ka tahay, si Soomaaliya u gaarto nabad waarta, xasillooni iyo awood ay si buuxda ugu maareyso amnigeeda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *