LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xasan Sheekh Oo Ku Fashilmay Qorshe Uu Ku Doonayay Taageero Caalami Ah, Mucaaradka Oo Albaabka Ka Xiray

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku guuldareysatay inay gaarto laba ujeeddo oo muhiim ah intii lagu guda jiray wada-hadalladii u dambeeyay ee ay Muqdisho kula lahayd Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kuwaas oo ay goobjoog ka ahaayeen wakiillo ka socday beesha caalamka, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in Villa Somalia ay dooneysay in kulamadaas ay ka soo baxaan ugu yaraan warsaxaafadeed muujinaya is-afgarad hordhac ah, si ay ugu adeegto laba arrimood oo ay u aragtay inay muhiim u yihiin dowladda.

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dowladda, qodobka koowaad wuxuu la xiriiray rajada laga qabo in Bangiga Adduunka uu sii daayo kabka miisaaniyadda ee la filayo bisha October, iyadoo taageeradaas lagu xiray horumar laga sameeyo is-afgaradka siyaasadeed iyo maaraynta marxaladda kala guurka. Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uu muujiyay walaac ku saabsan bixinta taageeradaas haddii aan la gaarin heshiis siyaasadeed.

Qodobka labaad ayaa ahaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shirka Kampala ee la filayo 30-ka bishan ula tago war-murtiyeed ama calaamad muujinaysa in wada-hadallada gudaha Soomaaliya ay yeesheen natiijo hordhac ah. Shirkaas ayaa la filayaa inuu diiradda saaro mustaqbalka howlgalka taageerada amniga Soomaaliya iyo arrimaha maalgelinta ciidamada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dadaallo kala duwan oo lagu doonayay in dhinacyada mucaaradka lagu qanciyo soo saarista war wadajir ah aysan miro dhalin. Sida ay xoguhu tilmaamayaan, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa diiday soo-jeedimo ay ku tilmaameen kuwo aan bixin dammaanad cad ama heshiis qeexan oo lagu wada qanacsan yahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *