LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xasan Sheekh Oo Kashifay Qorshaha Ka Dambeeya Tallaabada Israa’iil Ee Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland dabayaaqadii sanadkii 2025, isaga oo ku tilmaamay “mid ka mid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya.”

Wareysi uu siiyay Dawan TV, Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay muddo dheer dooratay wadada wada-hadalka iyo qancinta halkii ay xoog adeegsan lahayd, si loo ilaaliyo midnimada dalka.

“Waxaan haysanay laba doorasho; inaan adeegsanno xoog ama inaan ku wajahno wada-hadal iyo qancin. Waxaan doorannay wada-hadalka, inkastoo uu qaatay in ka badan 30 sano,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya aysan waligeed xiriir diblomaasiyadeed ama iskaashi la lahayn Israa’iil, isla markaana mowqifkeedu ku saleysan yahay taageerada xuquuqda shacabka Falastiin iyo xalka laba dowladood.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay danaha istaraatiijiyadeed ee gobolka darteed u beegsatay Somaliland, isagoo sheegay in maamulkaasi uu ku dhacay “dabin siyaasadeed” kadib markii uu raadinayay aqoonsi caalami ah.

“Ma ahan aqoonsi dhab ah, waa dabin ay ku dhaceen. Somaliland 30 sano aqoonsi ma helin, mana heli doonto aqoonsi sidan lagu helo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka digay in tallaabooyinka noocan ah ay Soomaaliya gelin karaan khataro amni iyo loollan siyaasadeed oo gobolka ka dhex abuurma, isagoo sheegay in dalku uusan doonayn inuu noqdo goob ay ku loolamaan quwadaha shisheeye.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *