LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo eedeyn culus u jeediyay hoggaanka SoDMA

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa si kulul u dhaliilay hoggaanka sare ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), isagoo ku eedeeyay inay ku fashilmeen gudashada waajibaadkooda qaran iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka soo noqnoqday ee dalka ka jira.

Wasiirka ayaa sheegay in Guddoomiyaha hay’adda, Maxamuud Macalin, uusan muujin waxqabad muuqda oo la xiriira maaraynta musiibooyinka dabiiciga ah iyo xaaladaha bani’aadamnimo ee Soomaaliya wajahdo, gaar ahaan xilliyada abaaraha iyo fatahaadaha oo si joogto ah u saameeya shacabka Soomaaliyeed.

“Hay’addu waxay leedahay mas’uuliyad culus oo ku aaddan badbaadinta iyo u gurmashada shacabka, balse waxaa muuqata in hoggaanka sare uu ku fashilmay inuu ka soo baxo doorkaas,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha.

Eedeymahan ayaa kusoo aadaya xilli horey madaxda SoDMA loogu jeediyay dhaliilo la xiriira musuqmaasuq iyo ku takrifal deeqaha caalamiga ah ee loogu talagalay dadka nugul. Warar hore oo soo baxay ayaa tilmaamayay in deeqaha qaar aan si hufan loo gaarsiinin dadka loogu talagalay, iyadoo la tuhunsan yahay in ay jiraan falal maamul xumo iyo lunsasho hantiyeed.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in ay lagama maarmaan tahay in dib-u-eegis lagu sameeyo habka ay u shaqeyso hay’addu, isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo lagu helo dayacaad ama ku lug lahaansho musuqmaasuq.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin hay’ad si dhab ah uga shaqeysa badbaadadooda, mana la aqbali karo in la dayaco masuuliyaddaas,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ilaa iyo hadda, wax jawaab rasmi ah kama soo bixin dhinaca Guddoomiyaha SoDMA iyo maamulka hay’adda, inkastoo arrintan la filayo inay dhaliso dood siyaasadeed iyo cadaadis ku wajahan hufnaanta hay’adaha dowladda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *