Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Villa Somalia oo beenisay War uu sheegay Farmaajo
    LATEST NEWS

    Villa Somalia oo beenisay War uu sheegay Farmaajo

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor7 February 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Casiis Golf-Yare ayaa si adag u beeniyay hadal uu dhawaan jeediyay Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ku saabsanaa in uu wadahadal la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kuna saabsanaa dhismaha guri la sheegay in Farmaajo looga dhisay magaalada Marka.

    Golf-Yare ayaa sheegay in aysan jirin wax wadahadal ah oo dhex maray labada Madaxweyne ee ku saabsan arrintaas, isagoo tilmaamay in sheegashada Farmaajo ay tahay mid aan xaqiiqo ku dhisnayn isla markaana ka fog mas’uuliyadda laga filayo hoggaamiye hore oo dalka soo maamulay.

    “Sheegashada Farmaajo waa mid ka fog xaqiiqada dhabta ah, kamana tarjumayso culayska iyo mas’uuliyadda hoggaamineed ee saarnaa Madaxweynaha waqtigaas,” ayuu yiri Golf-Yare.

    Madaxweynaha Oo Ku Mashquulsanaa Arrimo Qaran.

    Wuxuu xusay in xilligii uu Farmaajo sheegay inuu wadahadal la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh, uu Madaxweynuhu si buuxda ugu mashquulsanaa:

    Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

    Dadaallada lagu xaqiijinayay deyn cafinta Soomaaliya

    Ka shaqeynta qaadista cuna-qabataynta hubka

    Xoojinta cilaaqaadka diblomaasiyadeed

    Dhismaha hay’adaha dowliga ah

    Arrimahan ayuu ku tilmaamay kuwo mudnaan qaran leh, kuwaas oo muujinaya in aanay suuragal ahayn in Madaxweynuhu waqti u helay arrin shakhsiyeed oo noocaas ah.

    Golf-Yare ayaa sidoo kale cambaareeyay in Madaxweyne hore oo dalka soo maamulay uu ku kacay “been-abuur iyo sheegasho aan sal iyo raad lahayn”, isaga oo doonaya, sida uu yiri, hadal-hayn warbaahineed.

    Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay “ayaandarro” in xilli ay dadka Soomaaliyeed la daalaadhacayaan abaaro, dhibaatooyin nololeed iyo duruufo adag, in la soo bandhigo guri la sheegay inuu ku kacay dhismihiisa $300,000, taas oo aan ka tarjumayn dareen mas’uuliyadeed

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleWiilal Walaalo Ahaa Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Muqdisho
    Next Article Soomaaliya oo ka Qaybgaleysa Dhoolatus Caalami ah oo Badeed
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    By Banaadir2415 October 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si xooggan…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay
    • Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka
    • Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay
    • Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka
    • Dagaal culus oo ka socda Buurhakaba, Ciidanka Laftagareen oo weerar culus ku…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d