LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Tirada dhimashada oo mareysa 5 iyo dagaalka oo wali ka socda magaalada…

Ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay, dhowr kalena waa lagu dhaawacay kadib dagaal culus oo dhexmaray maleeshiyaad beeleed oo ku dagaallamay xaafadda Bulabacley ee magaalada Galkayo, dhanka ay maamusho Galmudug.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in maleeshiyaadka labada dhinac ay is-weydaarsadeen rasaas xooggan, iyadoo sidoo kale la soo sheegay in la adeegsaday hub culus oo gudaha xaafadda ah.

Lama xaqiijin weli magacyada dadka dhintay iyo tirada saxda ah ee dhaawacyada, sidoo kalena ma cadda in dad rayid ah ay ka mid yihiin khasaaraha.

Labada beelood ayaa horey dhowr jeer ugu dagaallamay deegaanka, hase yeeshee sababta rasmiga ah ee dagaalka maanta dib uga qarxay weli lama shaacin.

Dagaalka ayaa hakad geliyay dhaq-dhaqaaqii dadka, waxaana soo baxay walaac laga qabo in rabshaduhu sii socdaan oo ay sababi karaan barakac shacabka ah.

Mas’uuliyiinta Galmudug weli ma aysan soo saarin warbixin faahfaahsan oo ku saabsan dagaalka, mana jirto ilaa hadda cid si rasmi ah u shaacisay xabbad-joojin ama xaqiijisay in ciidamo loo diray inay kala dhexgalaan maleeshiyaadka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *